Ghana Oo Qarka U Saaran Usoo Bixitaanka Wareega 2aad Markii Ay Tumeen Mali Iyo Qaranada Soo Baxay

Cakaara(Sport).Xulka sida weyn loogu saadaalinayo iney hanan doonaan koobka xulalka Qaraada Afrika sanadkan ee Ghana, ayaa tallaabo weyn hore ugu sii sinqatay iney kusoo biiraan kooxaha usoo gudbay wareega 2aad ee tartankan Ciyaaraha Qaranada Afrika, ka dib markii ay 2-0 ku dharbaaxeen xulka adag ee dalka Mali. Kulankaan oo ahaa mid ka mid ah kulamadii ugu adkaa sida weyna loo sugaayey ayaa ku bilowday isgaad gaad iyo taxadar hase yeeshee xidigihii Ghana ayey ugu dambeyn u suura gashay iney dhax jeexaan dhufeyskii reer Mali qeybtii labaad ee cayaarta oo ay labada goolba dhaliyeen markii ay iska caabin adag kala kulmeen daafaca Mali qeybtii hore ee cayaarta. Gooldhaliyaha Ghana Asamoah Gyan ayaa gool boloziyoon ah oo uu laagay ku furay cayaarta halka goolka kale uu dhaliyey cayaaryahan Ayew oo u cayaara kooxda weyn ee Marseille ahna wiilka xidigii weynaa Abidi Pele. Ghana waxey urursatay 6 dhibcood labadii kulan oo ay cayaareen iyagoon weli shabaqooda gool la taabsiin waxeyna u baahan yihiin keliya hal dhibic kulanka ugu dambeeya oo ay la leeyihiin qaranka Guinea si ay u xaqiijiyaan usoo bixitaanka wareega labaad. Xulka Guinea waxey maanta goolal kala daaleen qaranka Botswana oo ay 6-1 kaga badiyeen sidaasna kusoo celiyey rajadooda soo gaarida wareega labaad maadaama ay min 3 dhibcood wada leeyihiin xulka Mali oo la saadaalinayo in kulanka ugu dambeeya ka badin doonaan qaranka Botswana halka Guinea ay rajadooda ku xiran tahay iney badiyaan kulanka aadka u adag ee ay kaga hor tagi doonaan xulka loo saadaalinaayo iney hanan doonaan koobkan ee Ghana. Guruubkan D ayaa ah kan ugu adag waxaana cadeyn u ah in min labo kulan oo la cayaaray weli uusan midkoodna soo bixin iyadoo 4ta dalba ay weli rajo ka leeyihiin usoo bixitaanka wareega 2aad. Wadamada usoo gudbay wareega 2aad: Xulalka wadamada Equaltoreal Guinea oo kasoo baxday guruubka A, Ivory Coast oo kasoo baxday guruubka B, iyo xulalka Gabon iyo Tunisia oo kasoo baxay guruubka D ayaa ilaa iyo hada cadeystay booskooda halka 4ta boos ee banaan la ogaan doono xulalka soo buuxin doona marka ay dhamaadaan min halka kulan ee ka harsan wareegan 1aad. Iyadoo tartanka sanadka aad looga tabsanaa maqnaashaha wadamada awooda ku lahaa kubada cagta Afrika sida Masar, Cameroon, Nigeria iyo Koofur Afrika ayaa hadana waxaa goor hore guryahooda loo diray xulalka wadamada Maroco iyo Senegal oo la saadaalinaayey iney meel wanaagsan gaari doonaan laakiin bedelkeeda aan wax dhibic ah shaqeysan min labadii kulan ee ay cayaareen sidaasna uga duub duubtay agabkooda iyagoo u diyaar garooaya bixitaankooda marka ay dheelaan kulankooda ugu dambeeya oo ay sharafta lee ku ilaalsanayaan.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews