Ma Sirinsirqoobeen Hadhaaga Tirada Yar ee UBO,Ciidamada Geesiyiinta Liyuu-Police oo Gacanta Ku Dhigay Maxamuud Dalab(Godane) iyo 4 Kale oo UBO ah.

CakaaraNews(War Deg Deg Ah).Waxaa Marag ma Doon ah,in aynu ka wada Dheregsanahay,jabka iyo halaaga ku dhacay Tiradii yarayd ee UBO ee sida Ugaadha ugu dhuumaalaysanaysay Meelo ka mida Deegaanka,taasooy jiif iyo joogba u diideen Ciidamada Geesiyiinta ah ee Liyuu-police oo Nidar ku galay in ay Xididada u siibaan Ugana Nasteexeeyaan Hagardaamada UBO Shacabka Deegaanka .
Hadaba Ciidamada Geesiyiinta Liyuu-police ayaa Gacanta ku soo dhigay Shiftay Maxamuud Dalab oo ku Magac dheeraa(Godane) iyo 4 ka soo hadhay,ka dib markii 5 ka mid ahayd Shiftada uu watay Maxamuud Dalab indhaha loo shiday.
Guud ahaan Nabad-diidka UBO ee uu Watay Maxamuud Dalab ayaa ay Tiradoodu Dhanayd 10,ka dib Markii ay is haleeleen Ciidamada Geesiyiinta ah ee Liyuupolice oo ku Raad joogayna,halkaa indhaha loogu shiday 5 ka mid ahayd,islamarkaana Shiftay Maxamuud Dalab iyo 4 ka mid ahaydna ay Gacmaha taageen oo nolol lagu Qabtay iyaga.
Mar ay noo suurto gashay in aan la kulano Shiftay Maxamuud Dalab(Godane) oo ku sugan Xabsiga ayaanu wax ka waydiinay Xiliga uu ku biiray Shuftada UBO iyo Sida loola Macaamilooday xiligii Gacanta lagu Dhigay.
Shiftay(Maxbuus) Maxamuud Dalab ayaa Sheegay in uu UBO ka mid ahaa 15 Sano,islamarkaana uu 3 sano wax ku soo bartay Xeryaha Milatariga ee Eriteria.sidoo kalana Carabaabay in Si bini'aadanimo oo aad u fiican ay ula dhaqmeen Ciidamada Geesiyiinta ee liyuu-Police ka dib markii Gacanta lagu dhigay.
Isku soo Wada duuboo Wuu gabaabsaday Gabalkii Hadhaaga tirada Yar ee UBO,maalinba maalinka ka sii danbaysana,waxaad arkaysaa iyagoo Naf la caari ah oo wixii ay Dab haysteen la soo xaroonaya oo Cafis iyo Nabadgalyo waydiisanaya DDSI,iyagoona UBO kii Soo Xaroodaba uu kuu sheegayo in UBO kala dhaqaaqday Qof Qof Haystana uusan Jirin.