Degmada Daratoole oo Lagu Qabtay Shir Dardargalinta Arimaha Horumarka Iyo Nabadgalyada Ah.

Daratoole(CakaaraNews).Shir lagu Dardargalinayo Waxqabadka Qaabdhismeedka Dawladeed ee Degmada Daratoole iyo Dhamaanba Qaybaha Bulshada ayaa ka Dhacay isla Magaalada Daratoole,taasooy soo Abaabuleen Maamulka cusub ee degmada Daratoole. Kulankan ayaa uu furay Gudoomiyaha Degmada Daratoole Mudane C/raxmaan Axmed xagar,isagoona si faahfaahsan uga hadlay waxqabadka looga baahan yahay qaabdhismeedka dawladeed ee degmada daratoole ee ku wajahan sidii ay u samayn lahaayeen Sector kasta qorsheyaal ku wajahan Hirgalinta Mashaariicda Horumarineed ee Degmada Daratoole. Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa tibaaxay in nabadgalyadu tahay furaha hirgalinta mashaariicaha horumarineed,taasoo looga baahan yahay ayuu yidhi Maamulka Degmada Daratoole iyo hay'adaha ciidamada nabadgalyadu in ay gacmaha is wada qabsadaan kana hor tagaan wixii carqalad ku noqon kara nabadgalyada Degmada Daratoole. Dhanka kale waxa uu Gudoomiyuhu u soo bandhigay Bulshada in Dhamaanba Hirgaqlinta Qorshayaasha Horumarineed ee aasaasiga ah ay Xukuumadu u diyaarisay,sida Dhinacyada Waxbarashada,Caafimaadka,Biyaha,Xoolaha iyo Beeraha loona baahan yahay ayuu yidhi gudoomiyuhu dhinaca ka qaybgalka dadweynaha. Degmada Daratoole ayaa ka mid ahayd 15kii Degmo ee lagu Ansaxiyay kalfadhigii 2aad ee uu yeeshay Baarlamaanka DDSI sanadkii tegay,iyadoona ay Degmadu ka mid tahay Degmooyinka hoosw yimaada Maamulka Gobolka Wardheer. Ugu danbayntii ayaa qaar ka mida Hogaamiye Dhaqameedka Degmada Daratoole oo ka hadlay shirka,ay aad ugu mahadceliyeen Xukuumada,islamarkaana balanqaadeen in ay garab istaagi doonaan qorshayaasha dawladda ee ku aadan hirgalinta horumarka iyo sal u dhigida Nabadgalyada sirinsirqowday Bari.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews