Ardaygii Hore Ee Macalin Ferguson Oo Shaatiga Ka Siibay Manchester City Iyo Chelsea Oo Sii Liicaya

Cakaara(Sport).Darron Gibson oo todobaadyo kahor ka tirsanaa kooxda Manchester United ayaa saaciday kooxdiisii hore markii uu Goolkii Guusha ka dhaliyay Kooxda uu tartanka Horyaalku ka dhexeeyo ee Manchester City.
Guushan ay Everton gaartay kuna heshay 3 dhibcood,kasokoow waxa ay muhiim u tahay Guuldarada ku Dhacday Manchester City,Kooxda ay ku Hardamayaan Hogaanka Horyaalka Premier league ee Manchester United oo dhankeeda iyana ka badisay kooxda Stoke City, 2 rigoore oo ay ka kala dhaliyeen Ciyaaryahanada Chicharito iyo Barbetov, iyadoona hada 1 Dhibic uun ka hoosaysa kooxda Manchester City.
Sidoo kale Waxaa hada xiisa badan sii yeelanaya horyaalka Ingiriiska oo ay labadan kooxood Waa City iyo Unitede oo Cagta Cagta isu saaray iskuna dhaganyihiin, inkastoo ay hoostooda kasoo xamaalanayaan kooxdaTottenham oo 3 gool ku garaacday Wigan, Garet Bale ayaa noqday mar kale halyeygii habeenkas kadib markii 2 gool uu daba mariyay goolhayihii kooxda Wigan Athletic.
Kooxda Chelsea ayaa u muuqata koox kasii hareysa Kooxihii Asaageed ahaa,iyadoona si dirqi ah daqiiqadii ugu danbeysay ee ciyaartii dhex martay Swansea City, kaga badbaaday guuldaro kale oo kaga imaan lahayd isla kooxdan yar ee Swansea City oo maalmahan danbe usoo jeesatay inay ciqaabto kooxaha waaweyn,iyadoona Kooxda Chelsea ay ku luuday uun Barbardhac,islamarkaana ay kaga soo Taraaraxday Jaranjaradii Kore ee Horyaalka Ingiriiska,iyadoona 7 dhibcood ka hoosaysa Kooxda Tottenham.
Dhanka kale Kooxda Liverpool ayaa dhankeeda saf usoo gashay ku xariiftanka kaalinta 4aad oo dhaqaale ahaan muhiim u ah kooxaha waaweyn ee ka qeyb galaya Champions League, Carrol, Kuyt iyo Ballemy ayaa 3 gool iyo 3 dhibcood oo xalaal ah gudoonsiiyay kooxdooda, waxa ayna hada 4 dhibcood kaliya uun ka hooseeyaan Chelsea oo kaalinta 4aad dagaal kaga dhexeeyo, waxaana kasoo daba gurguuraneysa Kooxda Arsenal oo hadii ay badiso kulankeeda soo socda hal dhibic ka kor mareysa Liverpool.
Tartanka Horyaalka Ingiriiska ayaa hada noqday 3 kooxood oo kaalimaha kore u tartamaya iyo 3 kooxood oo isku haysta kaalinta 4aad, wixii natiijo ah ee kasoo baxa kulamada harsan waan idinla socodsiin doonaa hadii alle noo saamaxo.