Safiirada Dalalka USA,UK,Senataro Ka Socday Labada Dal iyo Wafti uu Hogaaminayay Madaxweynaha DDSI oo Maanta Kulan Balaadhan Ku Yeeshay Magaalada Higlaleey.

Higlaley-Dh/buur(CakaaraNews).Companiga Lagu Magacaabo South-West And Erergy Soil Share Company oo Dalka Itoobiya laga leeyahay,Balse ay Saamiyada ugu Badan ay ku leeyihiin Maalqabeeno ka mida Dawladaha Maraykanka Iyo Ingiriiska,ayaa baadhitaan Shidaal oo uu ka waday waayadanba dhul dhan 250 km oo ka mida Agagaarka Togga Faafaneed ee Degmada Dh/buur ayaa soo Dhamaystiray Wajigii 1aad ee Baadhitaanka Goobaha uu ku jiro Shidaalku,islamarkaana uu Companigu Xaqiijiyay in Deegaankaas uu ku jiro Shidaal Farabadan,loona baahan yahay in loo gudbo Wajiga 2aad oo ah Qoditaanka Drilling. Companigan Saamiga ah ee South-west Energy Soil Share Company oo Laga leeyahay Dalka Itoobiya ayaa Saamiyada ugu waawayn ay ku leeyihiin Maalqabeenada ugu waawayn Dalalka USA iyo UK ee Shidaalka soo saara,Waana mida Labada Dawladoodba ku Dhiirigalisay in ay Ahmiyad Gaara Siiyaan Danaha Companigan. Hadaba Companigan oo Ay Dawladaha Maraykanku Ahmiyad Gaara Siiyaan danaha iyo Qoditaanka Shidaalka ee uu ka Wado Dalka Itoobiya Gaar ahaana DDSI,Maadaama Maalqabeenada ugu waawayn Shirkadaha Qoditaanka Shidaalka ee Labada Dal ay ku leeyihiin Saamiyada ugu Badan,ayaa ay Maanta Wafti Balaadhan oo ka socday Safiirada Safaaradaha USA iyo UK ku leeyihiin Dalka Itoobiya,Senataro Ka Socday labada Dal iyo Xubno ka Socday Shirkadaha Ay leeyihiin Maalqabeenada ee Saamiga ku Lihi Booqasho Ku Yimaadeen DDSI. Waftigan balaadhan ee ka socday Dalalka USA ee Yimid Maanta DDSI ee ay Hogaaminayeen labada Safiir ee u fadhiya Dalka Itoobiya,Wehelinayeena Qaar ka mida Senatorada labada Dal iyo maalqabeenada Saamiyada ugu Badan ku leh Companiga wadaniga ah ee soo Ebyay Baadhitaankiisii Shidaalka ee uu ka waday Degmada Dh/buur Gaar ahaan Agagagaarka Faafaneed,ayaa ay Xukuumadu Si heer Sare ah u Soo Dhawaysay,islamarkaana loo sii wada Ambabaxay Meelo ka Mid ah Fadhiyadii uu ka Deganaa Companigu Degmada Qabribayax Xiligii uu Baadhitaanka Shidaalka Waday. Goobtii ugu Horaysay ee uu Waftigu Wadajir ahaan u Booqday ayaa Ahayd Qaaxo,taasoo ay Companigu Iskuulo,Goobo Biyo iyo Mashaariic Horumarineed oo ay ka Dhiseen intii ay Baadhitaanka Wadeen,ku wareejiyeen Shacabka ku dhaqan Deegaanka Qaaxo,taasooy Hogaaminta Dhaqanka Deegaanka Qaaxo ay aad ugu Mahadceliyeen Companiga. sidoo kale madaxa companiga wsouth-west energy and soil share company mr Tedros Ashanafi syaa sheegay in ay dayactirka Dugsiga ku bixiyeen aduun lacageed oo kor u dhaafaya 900,000 (Sagaal Boqol oo Kun Nir) Islamarkaana Sii Wadi Doonaan Taageerada ay siinayaan shacabka ku dhaqan Qaaxo. Ka dib ayaa uu waftigu u sii Socdaaleen Magaalada Higlaleey oo Companigu uu ugu Sii Sameeyay Waftiga ee ay ka Midka ahaayeen Safiirka USA,UK,Senatorada labada Dal iyo Maalqabeenada Saamiga ugu Waawayn ku Leh Companigan Wadaniga ah ee Ka Soo kala Jeeda USA iyo UK. Dhanka Xukuumada ayaa ay Qado sharaftan ay Magaalada Higlaleey ku Sameeyeen Companiga Saamiga ee South West Energy And Soil Share Company,ay Ka Qayb galeen Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Madaxweyne Ku Xigeenla DDSI Mudane C/fataax Maxamuud Xasan,halkaasooy waftiga labada dal ee USA iyo UK ay Si Balaadhan ugu wada Gorfeeyeen Hawlaha Shidaalka laga Qodayo Agagaarka Faafan ee Degmada Dh/buur,sida dawladaha maraykanka iyo ingiriisku u danaynayaan hawlagalada baadhitaanka iyo qoditaanka shidaalka ee shirkada south-west,energy an soil share company iyo iskaashiga ka dhaxeeya dawladaha USA,UK iyo DDSI sidii loo sii xoojin lahaaba.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews