Jaaliyadda Birmingham Ee UK oo Wacyo-galin Balaadhan ka Wada Cariga Ingiriiska Kuna Saabsan Iibsiga Saamiyada iyo Taageerida DDSI.

Birmingham (CakaaraNews) 02/02/2012 Jaaliyadda Deegaanka Somalida Ee ku dhaqan Caasimada Labaad Ee Birmingham Ee Dalka Ingariska ayaa Dar-dar Xoogan oo wacyo-galinineed ku wada Bulshada Soomaalida itoobiya ee ku Dhaqan Magaalada Bringham city iyo nawaaxigeeda,iyagoona u8gu baaqa mar kasta in loo wada guntado sidii loo garab istaagi lahaa dawladnimada xididaysatay6 ee ka taabo gashay DDSI. Sidoo kalana ugu baaqa in jaaliyadku taageero buuxda siiyaan Hormarka ka hano qaaday Deegaanka iyo iibsiga saamiyada Mashruuca Biyoxidheenka milleniumka,iyadoona Jimce kasta uu Mudane Dr Xeef uu ugu Qabto Shir Safaarada Dhamaanba Jaaliyaadka,Waxgaradka,Aqoonyahanka iyo Maalqabeenada ka soo Jeeda 9ka Gobol ee uu DDSI ka kooban tahay,islamarkaana Sharax Guud ka siiyo Qaabka iibsiga Saamiyada Biyo-xidheenka Dalka Itoobiya,iyadoona Qiimaha Saamiyada oo ka kooban qaabka iibsiga saamiga biyaxidheenka wayn ee laga hirgalinayo dalka Ethiopia 50,100.300,500.1000 pound streling kaasoo ay ka faaiidaysanayaan Qurbajooga Ethiopia, kuwa geeska africa iyo wadamada uu maro Wabiga Niil. Dhanka kale Aqoonyahanka iyo Maalqabeenada ayaa uga mahadceliyay fursada uu ugu baaqay Dr Xeef,iyagoona qeexay in ay soo dhawaynayaan horumarka iyo Nabadgalyada Salka Balaadhan ee ka Taabo Gashay DDSI,Islamarkaana Tibaaxay in ay ka Qayb qaadan Doonaan Horumarka Deegaanka,Maalgashina ku Samaysan Doonaan DDSI,sidoo kalana Saamiyo ka iibsanayaan Boundhiyada Biyo-xidheenka Dalka Itoobiya. Ambassador C/rashiid Duulane ayaa uga Mahadceliyay Dadaalka Jaaliyaadka Bringham ay ka Wado Uk,islamarkaana si gaara ugu Mahadceliyay Dr Xeef sida Hagar la'aaneed ee uu ugu heelan yahay Danaha Shacabkiisa iyo Dawladiisaba,islamarkaana Jimce Kasta Fursad u Siiyay Jaaliyadda in ay isugu yimaadaan Kulan Balaadhan oo lagu Wada Gorfaynayo Taageerada Horumarka iyo Nabadgalyada DDSI. Dhanka Kale Xafiiska Safaarada ay Itoobiya ku leedahay Bringham UK ayaa ay ku jiraan Xubno aad u qiimo Badan oo Mar kasta u heelan Danaha Shacabkooda hadh iyo Habeena u heelan Sidii ay Qurbajoogta u dhalay Deegaanka ay farta ugu Fiiqi lahaayeen Dawladnimada Dhidibada loo Taagay ee ka hano qaaday DDSI sidii Dhexda loogu Dhuujisan lahaa in laga ilaaliyo Dheeliga oo Hiil iyo Hooba lala Garab Istaago,xubnahaas oo uu ka mid yahay nabadoon C/raxmaan Xaaji Sirad. Sidoo Kale Waxaa Isna Xusid Mudan Sheekh Maxamed Bare(Ha I Dhigin Dhoofaan) oo Nidar ku Galay in uu ku Wacyi Galiyo Shacabkiisa Dal iyo Dibadda in aan la dhayalsan Dawladnimada Buuxda ee aynu Haysano ee aan Abid soo Marin Shacabweynaha DDSI,islamarkaana Masaajida iyo Fagaarayaasha kialeba ugu Nasteexeeya Qurbajoogtu in ay kaalin xoogan ka Qaataan Horumarka iyo Nabadgalyada Baaxada Wayn ee ka Dhaqan Gashay DDSI tiir adagna loo noqdo DDSI. Dhanka kale waxaan Meesha ka Maqnayn Mudane Ayaanle Cali Xuseen oo isaguna dhexda u xidhay sidii uu Qurbajoogta Fagaare kasta oo ay joogaanba ugu boorin lahaa in ay Muqadas tahay in la Taageero DDSI,islamarkaana Qof kastaa uu ka qaato Doorkiisa Horumarka iyo Nabadgalyada DDSI. Dhamaanba jaaliyada Biringham City ayaa Baaq u diraysa Jaaliyada London oo Si Democratic ah u Dhisatay Xubnaha Gudiga Fulinta Jaaliyadda,islamarkaana Dooratay Xubno ka soo jeeda 9ka Gobol ee uu Deegaanku ka kooban yahay,Gobolkiina 2 xubnood laga doortay,Sidoo kale Jaaliyada Bringham City ayaa aad ugu Mahadcelisay Dadaalada ay wadaan Ambassador C/rashiid Duulane Rafle iyo Ambassador Burhaanu. Ugu danbayntii ayaa ay Jaaliyadda Bringham City shaaciyeen in ay Qorshaynayaan Casuumad ay ku Macsuumi Doonaan dhamaanba Jaaliyaadka Cariga Ingiriiska,ambasador C/rashiid Duulane iyo Ambassador Burhaanu.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews