Tababar Ku Saabsanaa Sidii loo sii dardargalin lahaa waxqabadka 6da bilood ee sanadka ka hadhay.

Jigjiga(CakaaraNews).Tababarkan oo isugu jiray Wada Gorfayn Xaaladaha Adeeg-bixineed ee xafiisyada Biyaha Degmooyinka,Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha DDSI,Aqoon Kororsi,taabo galinta Qorshayaasha Horumarineed ee Dhinaca Biyaha iyo sidii ay u sii labanlaabi lahaa Waxqabadka Horumarinta Khayraadka Biyaha ee Xafiisyada heer Deegaan Iyo Heer Degmaba.
Tababarkan oo uu Soo Agaasimay Xafiiska Horumarinta khayraadka biyaha DDSI,ayna ka soo qayb galeen dhamaanba xafiisyada biyaha ee degmooyinka iyo hawlwadeenada xafiiska biyaha DDSI,ayaa uu furay wasiirka wasaarada horumarinta khayraadka biyaha DDSI Mudane Farxaan Xuseen Cabdi,isagoona ka soo qaybgalayaasha ku booriyay in dhexda loo xidho sidii looga soo dhalaali lahaa fulinta qorshayaasha horumarinta biyaha ee degsan 6da bilood ee sanadkan ka hadhay.
mudane farxaan xuseen oo sii watay hadalkiisii ayaa tibaaxay in Dib loo wada Jaleeco Qorshihii yaalay 6dii bilood ee la soo dhaafay wixii qabsoomay,iyadoo qorshaha 6da bilood ee hadhay xooga la saarayo Taabo galinta Qodobadii aan Qabsoomin lixdii bilood ee la soo dhaafay,islamarkaana lagu Darsado Qorshaha Horumarinta Biyaha ee 6da bilood ee Hadhay Muqadasna tahay in Dhamaadka Sanadkan lagu wada Ebyo Dhamaanba Fulinta Qorshayaasha inoo yaalay ayuu yidhi Mudane Farxaan.
Dhanka kale Qaar ka mida Masuuliyiinta Xafiisyada Biyaha Degmooyinka oo ka hadlay tababarkan ay Wasaaradu isugu yeedhay ayaa Tibaaxay in isbedel fiican ka jiro Dhanka Horumarinta Biyaha,islamarkaana Degmooyin badan ay ka soo Yaraanayso Biyo la'aantii Haysatay,Taasooy Dhamaanba Masuuliyiinta Xafiisyada Biyaha Degmooyinka iyo Xafiiska Biyaha Heer Deegaan ay isla meel dhigeen Dejinta Qorshayaasha la fulin doono 6da bilood ee fooda inagu soo haysa.