Dhamaan Masuuliyiinta iyo Hawl-Wadeenada Shabakada Cakaaranews Ayaa Si Kal iyo Laaba Ugu Hambalyaynaysa Gudoomiyaha Cusub ee Jaaliyadda UK

London (Cakaaranews) 03/02/2012 Shabakada Caalamiga ah Ee Cakaaranews oo Hambalyo U Direysa Jaaliyadda Boqortooyada Ingariiska Ee Fadhigeede uu Yahay London iyo shabakada Cakaaranews oo Sigaar ah Ugu Hambalyeynaysa Gudoomiyaha Cusub Ee Shaley Ku Ansixiyeen Gudiga Fulinta Jamaal sheekh ibraahim,isagoona lashaqeeya Maamulka dawlada Deegaanka Somalida itoobiya iyo Dawlada dhaxe ee itoobiya, Marlabaad Hambalyo ayaanu leenahay Mudane jamaal ayaa Gudiga fulinta jaaliyadda oo Ka Koobnayd 22 Xubnood ay Shaley Ku An Sixiyeen 18 ka midi Gudiga fulintu Cod Buuxda in uu Yahay Maanta oo Ay Tahay Taariikhda 02/02/2012 Wixii ka Dambeeya in uu Yahay Gudoomiyaha Jaaliyada UK Mudane Jamaal Sheekh Ibraahim oo ah Shaqsi Karti badan, fir-fircoon,Aqoonyahan ah islamarkaana khibrad dheer leh Kuna xeeldheer Arrimaha Deegaanka In badana la soo shaqeeyay Jaaliyadaa Uk,isagoona Magac Aad u weyn kudhex leh Dalka Ingariiska iyo yuruba. Hadaba Mudane jamaal Ayaa ahaa Shaqsiga Dhaxda u Xirtay arrimaha Nabada in lataageero in Maanta ay waxba tareynin xabad iyo dagaal in uu wiil ku dhinto mooye Aan waxba hormar ayna soo kordhineynin hadaba in itoobiyada Cusub in laga Faaideysto oo diyaar inoo la ah wax kasto oo Hormar ah inoona Fasaxayso Dimoqraadiyada ka Taabo gashay DDSI. Mudane Jamaal ayaa inta badan Bulshada ku dhaqan ku dhiirigaliya in Nabada laga Shaqeeyo in la maal gashado deegaanka,Gudoomiyaha Cusub Mudane Jamaal ayaa yidhi Shabakada caalamiga ah Ee Cakaaranews in uu si Toos ah ula shaqeyn doono,islamarkaana u guntan Doono Sidii uu Jaaliyada iyo Qurbajoogtaba ugu Baaqi lahaa Sidii ay Dawladooda iyo Deegaankoodaba u Garab istaagi lahaayeen,islamarkaana uga wada qayb qaadan lahaayeen Horumarka Baaxada Wayn iyo Nabadgalyada ka Hanoqaaday Deegaanka ayuu yidhi. Jaaliyada ayaa u muujisay Taageeradooda yidhina Sidii aanu ula shaqayn Jirnay Gudoomiyihii Hore Dr Xuseen si la mida amaba ka Sii Fiican ayaanu ula shaqayn Doonaa Mudane. Shabakada CakaaraNews ayaa Mar labaad u Hambalyaynaysa Mudane Jamaal Kuna Soo Dhawaynaysa in uu Kaalintiisa ka Soo Galo Geediga loogu Jiro sidii Deegaanka looga Taabo Galin lahaa Horumar Baaxad Wayn iyo Nabadgalyo Salka loo wada Dhigo..

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews