Madaxweynaha DDSI oo Ugu Tahniyadeeyay Xuska Mawliidka Dhalashadii Nabigeena(Scw)Naxariisi Korkiisa ha Ahaatee Guud Ahaan Dunida Muslinka Gaar Ahaana Muslimiinta Itoobiya.

Jigjiga(CakaaraNews).Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Maanta Shir Saxaafadeed uu ku qabtay Xafiiskiisa,ugu Hambalyeeyay Habeenka faqdliga Badan ee Dhalashadii Nabigeenii Suubanaa(Scw) Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee oo ku Beegan Habeenkan Caawa ah. Madaxweynaha DDSI ayaa ugu baaqay Shacabweynaha Muslimiinta ah ee deegaanka soomaalida itoobiya in ay Dunida Muslimka ah iyo Muslimiinta Soomaalida Itoobiyaba ay habeenkan(Mawliidka) la wada xusayo Dhalashadii Nabigeena Suuban ee Muxamed (scw) ay qiimo iyo qadarin balaadhan inoogu fadhido,Muqadasna tahay in Muslimiinta Soomaalida Itoobiya in ay si weyn oo Qadarin iyo Sharafba mudan looga wada xuso dhamaanba 67da Degmo ee uu Deegaanku ka kooban yahay ayuu yidhi Madaxweynuhu. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhamaanba culumaa'udiinka deegaanka soomaalida itoobiya ugu baaqay in laga wada xuso masaajida Mawliidka dhalashadii nabigeena suubanaa naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee,islamarkaana yidhi waa in ay is caawiyaan muslimiinta soomaalida itoobiya. Dhanka kale Dhamaanba Golaha islaamka DDSI,Culumaa'udiinka DDSI,iyo dhamaanba culumaa'udiinka ku taxan masaajidada magaalada jigjiga ayaa habeenkan caawa ah ku qaban doona muxaadaro lagu xusayo mawliidka nabigeena (Scw) halkaasooy ku soo bandhigi doonaan sirooyinkii sharafeed ee Nabi Muxammed(SCW).

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews