Caleemo Saarkii Garaadka Absame iyo Adeerkood oo Berito Ka Dhici Doona Degmada Birqod Iyo Shacab iyo Baabuur Tiro Badan oo Buux Dhaafiyay Birqod.

Jigjiga(CakaaraNews)Caleemo Saarka Garaadka Absame iyo Adeerkood Garaad Maxamuud garaad Dool ayaa maalinta Berito ah ka dhici doona Magaalada Birqod oo Maamuus ahaan loo xushay.Magaalada jigjiga ayaa aad looga dareemayay Maanta Diyaargarowga iyo ambabaxa ka muuqdaymagaalada. Dhamaanba xukuumadii,maamuladii,odoyaal-dhaqameedkii iyo qaybaha bulshada ayaa manta u sii jarmaaday dhanka magaalada birqod si ay uga qayb galaan caleemo saarka Garaadka Absame iyo Adeerkood Garaad Maxamuud Garaad Dool oo beri si maamuus-dhaqameed leh uga Dhici doonta Magaalada Birqod. Magaalada Jigjiga ayaad is odhan kartaa markaad eegto malaha wax dad ahi kuma hadhin,baabuurtii badnayd ee magaalada buuxdhaafiyayna xagay tageen,islamarkaa ayay durba maskaxdaada ku soo dhacaysaa ileen Caleemo-saarkii Garaadka oon loo kala hadhin ayaa jiray. Munaasabada Caleemo Saarka ayaa si weyn loo sii agaasimay,taasooy sida wararku nagu soo gaadhayaan ay Magaaladii Birqodeed Buux dhaafiyeen Shacab aad u tiro badan iyo baabuur ka kala timid dhamaanba Degmooyinka Deegaanku ka kooban yahay.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews