Dalka Zambia Iyo Ivory Coast Oo Usoo Gudbay Semifinalka Koobka Qaramada Qaarada Afrika 2012ka

Cakaara(Sport).Labada wadan ee Zambia iyo Ivory Coast ayaa usoo baxay semifinalka koobka weyn ee qaarada Afrika, markii ay ka kala adkaadeen Sudan iyo Equatorial Guninea oo ay ka kala dhaliyeen min 3 gool. Drogba ayaa u dhaliyay xulkiisa 2 gool halka Yaya Toure uu isna dhaliyay goolka 3aad oo ay Ivory-Coast ugu soo baxday semifinalka ayna la kulmi doonto Gabon ama Mali kii soo adkaada, waxayna u muuqataa inay haystaan rajo weyn oo ay ugu soo bixi karaan Finalka maadaama ay labadan dalba ka awood roonyihiin. Dalka Zambia ayaa dhankiisa si fudud uga soo talaabsaday kooxda qaranka ee Dalka Sudan oo ay farxad weyn u ahayd usoo bixitaanka wareegan hada lagu reebay maadaama ay ka maqnaayeen tartmadaan Qaarada Afrika sanado aad u badan, waxaana 3 gool ka dhaliyay xidigaha Zambia ee kala ah Stoppila Sunzu, Chris Katonga og iyo James Chamanga. Dalka Zambia ayaa soo gaaray ilaa iyo Final sanadkii 1994tii halkaasoo ciyaartii ugu danbeysay ay kaga adkaaday koobkiina ka qaaday dalka Nigeria oo uu hor kacayay weeraryahankii weynaa Rashid Yakini. Waxaa harsan laba kulan oo ay kala ciyaarayaan Ghana - Tunisia iyo kulan kale oo dhex maraya Gabon iyo Mali, waxaana la wada rajeynayaa in finalka sanadkan isugu imaadaam labadii dal ee la saadaaliyay ee Ghana iyo Ivory Coast oo runtii la dhihi karo waa ay ka yara awood badanyihiin dalalka kale ee tartankan kala soo qeyb galay, waayo waxaa masiibo weyn qabsatay dalal waaweyn oo ciriiri gelin lahaa, sida Egypt, Cameroon, Nigeria iyo South Afrika. Wixii kusoo kordha kala soco shabakadan Cakaara Sport

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews