Madaxweynaha oo Maanta Magaalada Jigjiga ku Qabtay Shirar Goos Goos ahaa iyo Dhambaal uu u Diray Caleemo Saarkii Garaadka Absame iyo Adeerkood.

Jigjiga(cakaaraNews).Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Mashquul Shaqo Darteed uga baaqday Socdaalkii uu ku tagi lahaa Caleemo Saarka Garaadka Absame iyo Adeerkood oo ka Dhacayay Saaka Magaalada Birqod,islamarkaana Fariin iyo Dhambaal Tahniyadeedba ugu sii dhiibay hogaanka nabadgalyada iyo cadaalada DDSI Mudane C/laahi Yuusuf Weerar oo matalayay Xukuumada.
Madaxweynaha ayaa saaka furay u Shir maalmo sii socon doona oo ay ka soo qayb galeen maamulada iyo odoyaal-dhaqameedka 16 degmo oo ka mida 67da Degmo ee uu Deegaanku ka kooban yahay,Shirkaasoo ka Dhacay Hoolka Shirarka ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
Madaxweynaha ayaa ka soo qaybgalayaasha Shirka ee 16ka Degmo ku booriyay in loo baahan yahay in maanka lagu hayo sidii maamuladu u hirgalin lahaayeen adeeg hufan oo horumar iyo nabadgelyo taama gaadhsiin kara shacabka DDSI,islamarkaana kaalin xoogan ka qaadan kara isbelka kobaca dhaqaale ee uu dalku hiigsanayo 5ta sano ee soo socota,iyadoona jiritaanka maamul suuban oo ka madaxbanaan musuqa,qabyaalada,eexda iyo xil gudasho la’aanta la yagleelayo oo bulshada xoolo dhaqatada ah u horseeda beeraleey-xoolo-dhaqato.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa isla galinkii hore ee manta Magaalada Jigjiga ku qabtay Shirkii Golaha Amaanka DDSI (Security council),oo ay ka soo qaybgaleen Dhamaanba Madaxda 9ka Gobol,Madaxda Ciidamada,Liyuu-police,Madaxda Ciidamada Federaalka,Madaxda Ciidanka Booliska DDSI iyo Madax sare oo ka socotay Dawlada Federaalka,taasoo lagu wada Gorfeeynayay Qiimaynta Waxqabadka Arimaha Nabadgelyada DDSI ee 6dii Bilood ee la soo Dhaafay..
Dhanka kale Madaxweynaha DDSI Mudane Caqbdi Maxamuud Cumar ayaa Galinkii Danbe ee Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Hay’ada Xuquuqul Insaanka Dawlada Federaalka Halkaasoo ay Kaga wada hadleen sidii loo sii Xoojin lahaa Xaqdhawrka Xuquuqda Shaqsiga,taasoo Xukuumada DDSI ay hay’adu ku amaantay Sida waafaqsan Axdigii Geneva ee ay ula Dhaqanto una daryeesho Maleeshiyaadka Nabad-diidka ee lagu soo qabto dagaalada.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa isla Galinkii danbe ee manta ka qayb galay Shirka Qiimaynta Booliska DDSI,oo maalmahanba ka socday Xarunta Tababarada Ciidamada ee Mahad Soofe(Garabcase),taasoo uu tilmaamo ku saabsan sii loo sii xoojin lahaa xilgudashada iyo waajibaadyada shaqo ee dhinaca booliska,islamarkaana booliska looga baahan yahay ayuu yidhi Madaxweynuhu aaminsanaanta iyo ku dhaqanka Saraynta Sharciga.
Hadaba Madaxweynaha DDSI oo Mashquul iyo Shaqooyin Xasaasi ahaa oo Sugayay Saaka Darteed uga Hadhay Munaasabadii Saaka lagu bCaleemo Saarayay Garaadka Absame iyo Adeerkood ayaa u wakiishay in uu uga Qayb-galo Munaasabada Caleemo Saarka Hogaanka Nabadgalyada iyo Cadaalada DDSI Mudane C/laahi Yuusuf Weerar,Islamarkaana Hambalyo iyo Fariinba ugu Sii Dhiibay Munaasabada Caleemo Saarka iyo Garaadka Absame iyo Adeerkood Garaad Maxamuud Garaad Dool Garaad Xirsi