Xaflad Lagu Caleemo Saarayay Garaadka Absame iyo Adeerkood ayaa Si aan la Qiyaasi Karin uga Dhacday Maanta Magaalada Birqod.

Birqod (cakaaranews).Kulamo waayadanba ay Yeelanayeen Hogaamiye Dhaqameedyada Beelaha Absame iyo Adeerkood ayaa ku soo Gabagaboobay go’aan hawraarsan lagu soo ebyay oo ka turjumayay,in ay lagama maarmaan Dhaqameed ay u tahay Beesha Absame iyo adeerkood in ay Dib u soo Ceshadaan Hogaankii Dhaqameed iyo xeerarkii ay dhamaanba Beesha Absame iyo Adeerkood ku Xukumi jiray Garaad Yacquub oo La Hareer maray Waayadan Danbe,taasoo astaan Dhaqameed u ahaan jirtay Midnimada iyo Adeecida dhamaanba Beesha Absame iyo Adeerkood meel kasta oo y ku noolaayeen lahaayeena Hogaan Dhaqameed kaliya oo ay asal u lahaan Jireen. Hadaba Mar hadii ay Hogaamiye dhaqameedka beesha absame iyo adeerkood ay hawraarsan iyo hala yeelo ku wada go’aansadeen in dib loo soo celiyo hogaan dhaqameedkii kaliya ee ay lahaan jireen dhamaanba beesha absame laga soo bilaabo garaad yacquub oo ahaa curadka absame,iyadoo qabanqaabo la waday mudo ku dhaw 1 sano,kuna baxday adduun lacageed oo aad u tiro badan, ay bartilmaameed uga dhigeen caleemo saarka garaadka absame iyo adeerkood in ay ka dhacdo magaalada birqod oo astaan iyo taariikh diimeedba ku leh degaanka. Sidoo kale wafti aad u balaadhan oo galbinayay garaadka loo caleemo saarayo beesha absame iyo Adeerkood Garaad Maxamuud Garaad Dool Garaad Xirsi ayaa ka Ambabaxay Magaalada Jigjiga,Taasoo Dhamaanba Deegaanada u dhaxeeya Jigjiga ilaa Birqod,lagala Hor imanayayay Soo dhawayn aad u saraysa Caleemo Qoyan,Sawirka Garaadka,Calanka DDSI,Calanka Federaalka iyo Ereyo Muujinayay Soo Dhawaynta Garaadka Lagala Hor Imanayay Masaafo ka Baxsan hadba Magaalada uu ku sii wajahnaa. Ka dib ayaa ay Garaadka Absame iyo Adeerkood Garaad maxamuud garaad dool garaad xirsi iyo wafti galbinayay oo isugu jiray kumaakum dadweyne oo isugu jiray odoyaal-dhaqameed,culumaa’udiin,dhamaanba qaybaha bulshada iyo Dhamaanba heerarka kala duduwan ee uu ka kooban yahay qaab-dhismeedyada dawlada oo isugu Jiray kuwo ka soo Raacay Garaadka Magaalada Jigjiga iyo Kuwo kaga soo Lug daray Magaalooyinka Qabri-bayax,Araarso,Cobale,Higlaleey,Garawo,Hoobaale,Sasabane iyo Baka. Waxaa Xusid Mudan in Garaadka iyo Waftigii Galbinayay oo Watay Baabuur Xad Dhaaf ah Markii ay Gaadheen Magaalada Birqod ay la kulmeen Soo dhawayn aan la xadidi karin,taasooyba sii Buux dhaafiyeen Magaalada Birqod Ergooyinkii ka kala yimid Dhamaanba Degmooyinka iyo Gobalada uu ka kooban Yahay Deegaanka Soomaalida Itoobiya si ay uga Qayb galaan Caleemo saarka Garaadka Absame iyo Adeerkood. Hadaba Saaka Aroornimadii ayaa ay Kumaakum isugu jiray Odoyaal-dhaqameed,Culumaa’udiin,Haween,dhalinyaro,Masuuliyiin isugu jirtay Heer Deegaan,heer Gobol, Heer Degmo iyo Wakiilkii Madaxweynaha DDSI Mudane C/laahi Yuusuf Weerar oo ah Hogaanka Nabadgalyada iyo Cadaalada DDSI u Dareereen Goob aad loo sii Qurxiyay oo ahayd Duleedka Magaalada Birqod,looguna talo galay in ka Dhacdo Caleemo Saarka lagu Caano Shubayo Garaadka kaliya ee ay yeelan Doonto Beesha Absame iyo Adeerkood meel kasta oo ay dunida kaga nool yihiinba,laga bilaabo manta uu Garaad Maxamuud Garaad Dool Garaad Xirsi garaadka kaliya ee ay yeelan doonto eeh Ame iyo Adeerkoo Dal iyo Dibadba.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews