Madaxweynaha DDSI Ayaa Tacsi U Diray Qoysaskii iyo Eheladii Ay ka Geeriyoodeen 2bo Marxuum oo Si Gaadmo Ah loogu Dilay Magaalada Gaarisa.

Jigjiga(CakaaraNews)Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa isagoo ka tiiraanyaysan geerida Naxdinta leh, Tacsi u Diray Dhamaanba Eheladii iyo Qoysaskii ay ka tageen Marxuumiinta kala ah Marxuum 1- Mowliid Ali Digaale,2-Cabdinuur Xuurshe iyo 3- Sh. Maxamuud (Cumar feen)oo Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya Si Gaadmo ah loogu Dilay Xili Fiid ah Magaalada Gaarisa Dhexdeeda.
Falkan Waxashnimo ayaa ay ka Danbeeyeen Qawlaysatada UBO ee Caadaysatay Daadinta iyo Gumaadka Shacabka iyo Waxgaradka aan Waxba Galabsanin,taasooy Shacabka DDSI u Gaysan jireen Falalka Dilka iyo Gumaadka noocan ah,Inkastoo ay Ciidamada Geesiyiinta ah ee Liyuu-police ay Shafka u Daruureen Maanlaawayaashii UBO oo ay Daqiiqimaha Ka Dhigeen,taasooy UBO Noqotay Wax Dhinta,Wax isu Soo Dhiiba DDSI iyo Tiro Yar oo Faro ku Tiris ah oo u baxsatay Jubaland,Maleegayana sidii ay u Dhibaatayn Lahaayeen Shacabka Absame ee Nadboon kuna Kala Dhaqan Kenya(Garisa) iyo Jubaland,Taasoo lagu Xaqiiqsan Karo Calaamadii 1aad ee Waxashnimo oo ay UBO ku Dileen 2 Oday-dhaqameed oo Ixtiraam iyo Sharaf ku Dhex Lahaa Magaalada Gaariso,halka 1 oday oo kalana oo ka mid ahaa 2bo dhaawacantayna uu Dhaawac culus oo soo gaaray awgeed u dhintay.
Hadaba Madaxweynaha oo la hadlayay Saxaafada DDSI ayaa Qoysaskii iyo eheladii 2da Marxuum Tacsi u Diray,Yidhina Samir iyo iimaan Ilaahay ha inaga Siiyo Dhamaanteen,aakhirana Ilaahay Janadii Fardawsa ha ugu Bishaareeyo,Halka iyana 2da Qof ee Dhaawaca ahna uu Madaxweynuhu ilaahay uga baryay in uu Caafiyo.Madaxweynaha ayaad Wajigiisa ka Dareemaysay sida uu uga xun yahay Falka foosha Xun ee lagu dilay Odoyaasha.
Dhanka kjale warar xog ogaal ah oo aanu ka helnay dhanka gaarisa ayaa tibaaxaya in ay UBO falkan ay gaysteen.