Ugaas Maxamed Duulane oo Ay Maamulka Magaalada Qabridahar Ku Soo Oogeen Dacwad Dhul-Hanti Dawladeed oo uu Gacanta ku Hayay,Kana Dhago Adaygay Ku Celinta Gacanta Dawlada.

Qabridahar(CakaaraNews).Sida aynu wada ogsoonahay Waxaa Dhawaan la Ansaxiyay 3 Ismaamul Magaalo oo Qayb ka ah Horumarka Xawliga ah ee Dalku Hiigsanayo,taasoo loogu Talo Galay Miisaaniyad Xad dhaaf ah. Magaalada Qabridahar ayaa ka Mid ah 3da Ismaamul Magaalo,islamarkaana Gudagashay sidii ay u Hirgalin Lahayd Balaadhinta Bilicda Magaalada Qabridahar,inkastoo ay Cusbaayeen Qaab-dhismeedkeedu Hadana Waxay Shaqada ku sii bilaabeen Meelo ay sii kiraysteen iyo iyagoo Dulsaar ku noqday Xafiisyadii Maamulka ee sii jiray. Hadaba Maamulka Magaalada Qabri Dahar Ayaa Door Biday in uu Taabo Galiyo Ujeedooyinkii loo aasaasay oo ahayd Balaadhinta Dhismayaasha Horumarineed ee Bilicda Magaalada Qabri Dahar,islamarkaana Bilaabeen Mashaariicda Dhismayaasha Xafiisyada uu yeelan doono qaabdhismeedka dawladeed ee maamulka magaalada qabridahar,walow bislaansho la'aanta shacabkeenu ay mararka qaarkood caqabadba ku noqonayso taabo galinta horumarka anfici lahaa shacabka,sida ugaas maxamed duulane oo dhul ay dawladu lahayd oo gacanta uu ku hayay laga furfuri kari waayay. Sidoo kale maamulka magaalada qabridahar ayaa si waafaqsan xeerkii iyo hab-dhasqameedkii ula xidhiidhay ugaas maxamed duulane waydiiyayna in uu maamu8lka magaalada qabridahar si xushmad leh ugu soo wareejiyo dhulka iyo hantida dawladeed ee uu gacanta ku hayay,walow uu ugaas duulane ka dhego adaygay in uu si xushmad leh u wareejiyo dhulka si looga hirgaliyo mashaariic horumarineed. Nidaamka lahaansha dhulka iyo Xeerarka Dawladeedba ayaanba ka dhaadhacsanayn Shacabkeena,waana Mida sababtay in ay Xukuumadu isugu yeedho Shirka Odoyaal dhaqameedka Deegaanka ee ka socda Wakhti Xaadirkan Hoolka Shirarka ee (SMCX),taasoo laga soo saari doono xeer nidaamyo ku wajahan,Nidaamka Lahaansha Dhulka Dhanka kale ka Dib Markii uu Dheg Jalaq u siin waayay Ugaas Maxamed Duulane Codsiyadii ku salaysnaa Maamuuskii Dhaqameed ee ay Maamulka Magaalada Qabridahar kaga codsanayeen in uu Gacanta Dawlada ku soo celiyo Dhulkii iyo Hantidii Dawladeed ee uu Gacanta ku hayay,ayaa ay Maamulka Magaalada Qabri Dahar u Qoreen Warqad Dacwo ah oo Lid ku Ah Ugaas Maxamed Duulane Nuxurkeeduna Ahaa ku tagri Falid iyo Dhac hanti Dawladeed,islamarkaana loo taxaabay Xabsiga Magaalada Qabri Dahar. Horumarka,Balaadhinta iyo Qurxinta Bilicda Magaalada Qabri dahar ayaa ay xukuumadu u Qoondaysay Miisaaniyad aad u fara badan,iyadoona Master-plankii Magaalada Qabri dahar 100% la Dhamaystiray. Isku soo wada Duuboo Maadaama Gal Danbiyeedka lagu soo oogay Maxamed Duulane uu Madani yahay ee uunan ahayn Ciqaab(Criminal) ayaa laga yaabaa in ay Maxkamadu ka sii dayso Xabsiga ugaas Maxame Duulane,siisana Wakhti uu ku soo celiyo Hantida Dawlada Gacanta Dawladana ku Celiyo dhulkuu Gacanta ku hayo,si looga Dhiso Xafiisyada Maamulka Magaalada Qabri Dahar oo Bilic u yeeli doona Magaalada Qabridahar

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews