Juan Mata David Gea Wuxuu Iga Hor Istaagay Fursad Dahab Ah. Iyo Rooney Waxaan Ka Badbaadnay Dufaan Ceebeed.

Cakaara Sport(Premier League).Ninka reer Spain ee Khadka Dhexe uga ciyaara kooxda Chelsea Juan Mata ayaa Mucjiso soo baxaysa ku micneeyay Ninka ay isku wadanka yihiin ee Goolhayaha u ah Kooxda Manchester United David Gea. Isagoo lahadlayay bogga kooxdiisa waxaa uu sheegay in laadkii xorta ahaa ee uu kabad badiyay David De Gea uu ahaa mid aysana cidnaa amnini Karin. "David De Gea waxaa uu iga bad baadiyay kubada dahab aheyd xaqiiqdii waxaan uqaatay gool laakin waxaa hor istaagay David De Gea waxey aheyd mid aanan ku farxin" Juan Mata ayaa sheegay in ay kooxdiisu iska qasaarisay fursad weyn oo ay xalay kaga adkaan kartay Man United. Dhanka kale tababare Ferguson ayaa amaanay xidiga Goolhayaha u Ah Kooxdiisa Man Utd ee mr ee David De Gea kaas oo usheegay in xalay uu kubado halistooda leh uu bad baadiyay ., Gool hayahan oo wayadan ay dhibaatooyin hareeyeen ayaa kulankii xalay ee Chelsea iyo Man United bad badiyay 3 kubadood oo goolal loo filan karay. Daafaca dhowan-galka ah ee kooxda Chelsea Gary Cahill ayaa ka walaacsan gool kulaadkii labaad ee laga dhaliyay kooxda Chelsea ee sababteeda uu lahaa Ivanovic. Xidigii hore ee kooxda Bolton ayaa raali galin udiray dhaman dadka uu dhiigoodu ku shaqeeyo kooxda Chelsea. "Waan ogahay in qaladkii dhacay uusan Ivanovic wax ku leeyahay waxaana eeda leh daafacyadeena oo dhan maxa yeelay waxaan ceshan weynay 3 gool oo aan la hormrnay" "Waan ka walaac sanahay in aan kulankeygii ugu horeeyey difaacyada Chelsea ay daciifnimo ku timaado" "Wuxuu isku dayay Ivanovic in uu kubada si tartiib ah uga dheereyo Welback laakin waa uu is tuuray horteeyda waxaana uu garsooruhu udhigay rigoore" "Aadbaan ula yaabay go,aanka uu qaatay Howard Webb waa gasoore Fantastic ah ayuu yiri Cahill. "Waxaan leeyahay dhamaantiin iga raali ahaada ayuu usheegay majalada Metro ee kasoo baxda UK. Weeraryahanka kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa sheegay in kooxdiisu ay soo martay saacado taariiqda in ay galaan ku sigtay markii ay Chelsea 3 gool kala hor martay. Isagoo markii ay ciyaartu dhamatay lahadlayay Tv-ga Sky Sports waxaa uu sheegay Rooney in ay muujiyeen xalay in ay yihiin koox udagalami karta horyaalka .Dhanka Kale Weyne Rooney ayaa Yidhi "Waxaan ka hortagnay Duufaan ceeb watay,inkastoo 2 dhibcood naga qasaareen. Weyn Rooney waxaan gaarnay heer xun oo nagula yeeshay 3 gool waxaan ku signay in ay dhacdo wax xun laakin waxaan ka hortagnay duufaan ceeb wadatay","Waxaa naga qaasaartay 2 dhibic midaas ma filaneyn laakin waxaa hubanti ah in ciyaartooyda Man City ay ku adkaan laheyd iney soo gudaan 3 gool oo lagu yeesho iyagoo guri islaameed jooga" "Waxaanu u ekayn koox isku xidhan ilaa dhamaadkii ciyaarta laakiin ma jeclayn in ay dhibic naga khasaarto isagoo la hadlayay Sky Sport"

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews