Majaajiliistaha Caanka ah ee Elephant Man oo Xabsiga Loo Taxaabay

LAYAABKA DUNIDA JAMAICA(CakaaraNews):- Ninka caanka ka ah waqooyiga America ee dadka ka qoslisiya ee lagu Magacaabo Elephant Man ayaa xabsi loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay in uu gabar xoogay. Haweeney 31 jir ah ayaa usoo dacwootay booliska taas oo sheegtay in uu xoogay ninka majaajilistaha ah ee Elephant Man xili dambe oo habeenkii sabtida aheyd,Booliska ayaa durba ku dhaqaaqay talaabo lagu soo xirayo ninkaan oo kasoo jeeda wadanka Jamaica. Ka dib ayaa ay Boolisku tageen Gurigiisa oo ku yaala Xaafada St. Andrew oo ka tirsan Magaalada Parish Gobbalka Grenada ee Wadanka Jamaica. Ninkan oo sidoo kale loo yaqaano "Willie Bounce" ayaa la filaya in uu asbuucan kasoo Dhex muuqan doono maxkamada, Elephant Man oo ah ninka dadka ushac tireeya ama ka qosliya ayaa sidoo kale ah nin looga dambeeyo farashaxanka gacanta,islamarkaana ah Film Sameeye. Dhanka kale Qareenka ninkan difaacaya oo lagu Magacaabo Mr Linda Wright ayaa usheegay AP in ay tahay eedeyntan lagu soo oogay Mr Elephant Man.mid aan waxba ka jirin oo la doonayo uun sidii hoos loogu dhigi lahaa Sumcadiisa.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews