Suarez Soo Noqoshadiisii Oo Barbardhac Goolal La,aan Ah Ku Dhamaaday Iyo Mukulaal/bisad Ku Sigatay Inay Banado Ciyaarta

Cakaara Sport(Premier league).Kooxaha Liverpool iyo Tottenham oo isku fara saaray garoonka caanka ah ee Anfield ayey natiijadiisii noqotay goolal la,aan ay ku kala baxaan kooxahan ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Ingiriiska ee Premier League. Kooxahan oo mid kasta lahayd hami gooni ah waxa ay ciyaartan ka hor ku kala jireen kaalimaha 3aad iyo 7aad oo waxaa horeysay Tottenham oo sanadkan laga yaabanyahay halka ay ku socota xawaareheeda, dhanka Liverpool ayaa culeys weyn saarayay inay ku dhawaadaan kooxaha uu tartanka adagi kala dhexeeyo kaalinta 4aad, laakiin nasiib daro koox gaartay hamigeedii ma jirin oo min hal dhibic kaliya ayey kala laabteen garoonka.
Sidoo kale Laba dhacdo ayaa lagu xasuusan doonaa ciyaartaan waa mide weeraryahanka xirfada badan oo ay Liverpool ku dhaarato Luis Suarez oo 8 kulan ganaax uga maqnaa ayaa soo laabtay habeenkan, dhanka kale waxaa xasuus mudan in qeybtii hore ee ciyaarta garoonka usoo martisay Bisad / Mukulaal yar oo kasoo baxsatay qofkii lahaa ayaa soo caga dhigatay garoonka.
Garsoorihii ayaa ciyaarta hakiyay daqiiqado si meel loo saaro xayawaankan yar ee soo habaabay dadka qaarkiina ku sheegeen inay qaaday xamaasada ciyaarta, ugu danbeyn ayey hawl wadeenadii garoonku ku guuleystaan inay ka hogaamiyaan garoonka oo ay u gacan geliyaan halkii ay kasoo talaabtay.
Suarez oo ku bilaabay kursiga keydka ayaa lasoo galiyay daqiiqadii 65aad, balse waa caawin waayay weerarkii Liverpool oo u muuqday mid raba inuu helo 3 dhibcood kulankan, halka ay Tottenham ku qanacsanaayeen barbardhaca iyo dhibicda Muhiimka ah.
Dhanka kale Waxaa kaloo ciyaartan aad looga tabay halyeyga Tottenham tababare Harry Redknapp oo ay kasoo daahday diyaaradii kasoo qaadi lahayd halkii lagu maxkamadeynayay, dacwad ku aadan lacag is dhaafin xaga canshuuraha oo xilliyadii ugu danbeeyay loo haystay.
Isku soo wada duub Liverpool waxa ay 1 dhibic ku dhawaatay kooxaha ka horeeya oo waxa ay hada leeyihiin 39 dhibcood, Arsenal ayaa hal dhibic ka horeysa halka ay Newcastle 42 dhibic leedahay, waxaana qeybtan isku haysata kaalinta 4aad hogaanka u haya Chelsea oo leh 43 dhibcood.
Tottenham dhankeeda waxa ay ku hakatay 50 dhibcood, farqiga Manchester City ayaa ah 7 dhibcood halka ay United ka hooseeyaan 5 dhibcood, waxaana la dhihi karaa kooxihii waaweynaa oo u kala baxay 2 gaashaan buur, kooxo koob u tartameysa iyo kooxo kaalinta 4aad ee Champions League ilkaha ugu dagaalaya.