Shirkii Odoyaasha Dhaqanka iyo Culumaa'udiinka 16 Degmo oo Galabta Soo Gebageboobay Iyo Dhalinyaradii Lagu Soo Qabtay Qab Iyo Hanjabis oo Nidar Ku Galay In Ay Ka Aarsan Doonaan Ina Ruqiyo-Dhuubo.

Jigjiga(CakaaraNews).Waxaa hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan ka socday maalmahanba shir ay ka soo qayb galeen dhamaanba Odoyaal-Dhaqameedka iyo Culumaaidiinka 16 Degmo oo ka nida 67da Degmo ee uu Deegaanku ka kooban yahay,islamarkaana ay Hogaaminayeen Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Madaxa Xarunta Dhexe ee XDSHSI Mudane Ibraahin Maxamed Mubaarak.
Shirkan ayaa lagaga Wada Hadlayay Qodobo Muhiima oo Khuseeya Dhanka Horumarka,Nabadgalyada,Maamulka Suuban,Ahdaafta Xisbiga iyo Arimaha la xidhiidha Lahaanshaha Dhulka.

Hadaba Galabta ayaa ay Hoolka Shirarka Yimaadeen Dhalinyaradii lagu soo qabtay Dagaalkii Qab iyo Hanjabis ee Dhiigooga lagu Khamaaray laguna soo tababaray Eriteriya,islamarkaana Xeebaha Somaliya lagu soo daadiyay,taasooy Ciidamada Geesiyiinta Liyuupolice ay kala hortageen Dagaalkii Qab iyo Hanjabis,kana dhigeen Qaar la dilo,tiro ka badan 80na gacanta lagu soo Dhigay,ka dibna si fiican loo xanaaneeyay islamarkaana la siiyay dhaqan celin iyo waxbarasho la xidhiidha dastuurka dalka,ka deegaanka,xeerararka ilaalinta xuquuqda binuaadamka iyo sidii ay bulshada ugu dhex noolaan laaheen.

Waxaad ku xasuusan kartaa sida wanaagsan ee loola tacaalay Xanaanaynta Dhalinyaradan markaad dheehato muuqaalka iyo gashiga haboon ee ka muuqda wajiyadooda iyo markaad dib u dheehato muuqaalkoodii tiiraanyeed ee ee ka muuqday wajiyadooda xiligii la soo qabtay.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa galabta shirka odoyaasha ka sheegay in ay dhibayso dhalinyarada da'da yar ee lagu khamaarayo dhiigooda,islamarkaana uu dafiray ina ruqiyo dhuubo oo damaciisu ahaa in la wada laayo,balse ma dhicin waayo waxay ka mid yihiin Shacabweynaha aan Madaxweynaha u ahay,waan xanaanaynay,dawaynay,wax barnay weliba u fasaxnay in ay meeshay doonaan tagaan oon Xornimo buuxda siinay ayuu yidhi Madaxweynuhu.