JAALIYADA DDS EE BOQORTOOYADA INGIRIISKA OO GUDIDEEDA FULINTU DOORTEEN GUDIGA HAWL-WADEENADA EE JAALIYADA

LONDON (CakaaraNews)- Warar aan ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyey in shan xubnood loo doortay in ay noqdaan hawl-wadeenada dalada jaaliyada DDS ee dalka Ingiriiska. Kulanka gududa fulinta oo ka dhacay xaruunta shirarka ee safaarada ayaa waxaa isugu yimid xubno dhan 18 oo ka mid ah gudida fulinta oo tiradooda guud dhanayd 22-xubnood. Xubnihii ka joogay gudidi hore ayaa taariikh gaaban ka bacdi sheegay in ay fursad u siinayaan maamulka jaaliyada xubno cusub islamarkaana ayna diyaar u ahayn in ay dib isu soo sharaaxaan. Doorashadii dhacday ayaa waxaa ku soo baxay 5-xubnood ee hoos ku qoran, gobolada ay kasoo jeedaan. 1. Jamaal Sh Ibraahin - Gudoomiye, gobolka Fiiq 2. Dayib Cali - Gudoomiye ku xigeen, gobolka Jigjiga 3. Xaaji Adan Amiin - Madaxa dakhliga, gobolka LIibaan 4. Cabdi Adan - Xidiidhka jaaliyadaha, gobolka Godey 5. Cali Cabdiraxamaan - Xoghaye, goblka Liibaan Codbixinta ayaa u dhacday si cadaalad ah, gobolka shiniile yaa la sheegay inay ka cudur daarteen inay kamid noqdaan gudiga hawl-wadeenada balse ay ku kalsoon yihiin cidii loo garto. sidaas bayna ku yimaadeen gudigan hawl wadeenadu oo kamid ah 22-xubnood ee golaha fulinta. Xubnaha qaarkood lagu codsaday in ay faahfaahin yar ka bixiyaan taariikhdooda iyo sida ay doonayaan in ay gutaan waajibaadkooda. Gudida cusub ayaa xilka loo ansixiyey mudo hal sano ah ayada oo dib loo eegi doono sanadka soo socda.Waxaa madasha goob joog ka ahaa madaxda ugu sareysa safaarada oo kala ah safiirka, safiir ku xigeenka iyo madaxa arrimaha jaaliyadaha ee safaarada. Madaxda safaarada iyo xubnaha gudida fulinta ayaa u mahadceliyey xubnihii gudidii hore oo meel fiican soo gaadhsiiyey jaaliyada, waxa ay islamarkaana boogaadiyeen xubno cusub iyaga oo ku booriyey in ay jaaliyada ugu adeegaan si daacad ah. Shaqada ugu muhiimsan ee jaaliyada UK waxa ay noqon doonta wacyi galinta iyo ururinta qurba-joogta deegaanka Soomaalida. Waxaa intaa u dheer, in ay noqoto codka miidaysan ee jaaliyada iyaga oo wakiil u noqon doona jaaliyad waynta UK. Gudoomiyihii hore ee dalada DR Xuseen Ibrahin ayaa isna sheegay in u diyaar u yahay ku wareejinta wixii dhukumanti ah ee gacantiisa ku jira.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews