Shirkii Saamiyada Biya xidheenka Ethiopia oo siwanaagsan ku dhamaadey(+SAWIRO)

Copenhegan (Cakaaranews) 07/02/2012 Waxaa maalintii Sabtida ahayd ee taariikhdu ahayd 4.02.11 magaalada Copenhegan ee dalka Denmark ka dhacay shirkii loo balansanaa. Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen golaha dib u curashada dhismaha biya xidheenka dalka Denmarka ayaa waxaa kasoo qaybgalay dad gaadhaya 100 ruux kuwaasoo dhamaantood u yimid iney marka hore wax ka dhageystaan kana helaan warbxin dhab ah dhanka biya xidheenka marka labaad rabey iney kaalintooda ka qaataan.

Shirkan waxaa kale oo kasoo qaybgalaymarti sharaf ka timid waddamada Yurub oo ay kamid ahaayeen Safaaradda London oo ay kasocdeen Safiir Burhaane iyo Safiir Cabdirashiid iyo qunsuliyadda guud ee dalka Sweden fadhigiisuna yahay caasimadda Stokholm. Safiir Burhane iyo Safiir Cabdirashiid Duulane ayaa warbxin dheer iyo faahfaahin ka bixiyey ujeedada biya xidheenka iyo kaalinta uu ku leeyahay hormarka iyo hiigsiga GTP ee dawladda Ethiopia shanta sano ee socota.
Labada safiir ayaa waxey sharaxaad dheer ka bixiyeen qaabka looga qaybgali karo maalgashigan iyo muhiimada uu u leeyahay Ethiopia guud ahaan iyo waliba gaar ahaan deegaanka Soomaalida oo sida ay sheegeen masuuliyiintani ah meelaha heli doona faaiidada ugu badan ee dhanka Tamarta ah(Engergy).

Shirkan oo loo balansanaa ayaa warbixino iyo mahadnaq ka dib waxaa la guda galay aruurinta saamiyada biya xidheenka waxaana suuro gashey in la helay isla goobtii miisaaniyaddan hoos ku qoran Lacagta Kaash ahaan goobta looga aruuriyey; 1-$63400( Lixdan iyo Saddex Kun iyo Afar boqol oo doolar) 2- 2000 Krone(Laba Kun oo Karoon) oo ka mida Lacagta la yaboohey: Waxaa goobtii lagu yaboohayay oo la isku qorey lacag dhan £10000(Toban Kun oo Pounds).
Shirkan oo ahaa midkii ugu horeeyey ee noociisa ah ee lagu qabtey Denmark ayaa loo arkey mid laga gaadhey dantii laga lahaa waxaana daba socda shirar noocan ah oo ka dhici doono daafaha adduunka Hadaba Jaaliyaadka,Waxgaradka,Aqoonyahanka iyo Maalqabeenada ka soo Jeeda 9ka Gobol ee uu DDSI ka kooban tahay,islamarkaana Sharax Guud ka siiyo Qaabka iibsiga Saamiyada Biyo-xidheenka Dalka Itoobiya,iyadoona Qiimaha Saamiyada oo ka kooban qaabka iibsiga saamiga biyaxidheenka wayn ee laga hirgalinayo dalka Ethiopia 50,100.300,500.1000 pound streling kaasoo ay ka faaiidaysanayaan Qurbajooga Ethiopia, kuwa geeska africa iyo wadamada uu maro Wabiga Niil.
Dhanka kale Aqoonyahanka iyo Maalqabeenada Hadaba Jaaliyada ayaa uga mahad celiyay Waftigii oo Hogaaminayaan dublamaasiyiinta UK . qeexay in ay soo dhawaynayaan horumarka iyo Nabadgalyada Salka Balaadhan ee ka Taabo Gashay DDSI,Islamarkaana Tibaaxay in ay ka Qayb qaadan Doonaan Horumarka Deegaanka,Maalgashina ku Samaysan Doonaan DDSI,sidoo kalana Saamiyo ka iibsanayaan Boundhiyada Biyo-xidheenka Dalka Itoobiya. Ambassador C/rashiid Duulane ayaa uga Mahadceliyay Dadaalka Jaaliyaadka Denmar sida sharafta leh ay u soo dhaweeyeen . Sidoo Kale Waxaa Isna Xusid Mudan Gudoomiyaha jaaliyada oo Nidar ku Galay in uu ku Wacyi Galiyo Shacabkiisa Dal iyo Dibadda in aan la dhayalsan Dawladnimada Buuxda ee aynu Haysano ee aan Abid soo Marin Shacabweynaha DDSI,islamarkaana Fagaarayaasha kialeba ugu Nasteexeeya Qurbajoogtu in ay kaalin xoogan ka Qaataan Horumarka iyo Nabadgalyada Baaxada Wayn ee ka Dhaqan Gashay DDSI tiir adagna loo noqdo DDSI.