War Deg Deg Ah Meelo ka Mida Badhtamaha Magaalada Jigjiga oo Dab ka Yimid Dhanka Laydhka(Electric) uu Qabsaday(Nimco Walba Nusqaan Lehe).

Jigjiga(CakaaraNews).Abaarihii 11:30kii duhurnimo ayaa uu Dab kia yimid Dhanka Electric(Laydhka) uu Qabsaday Guryo iyo Qaar ka Mida Meheradaha Raashinka lagu iibiyo,inkastoo aynan ilaa iyo hada jirin wax dhimasho ah,balsa booliska ddsi iyo ciidamada liyuupolice ayaa si wadaninimo leh ugu soo gurmaday,iyagoona ku guulaystay in ay damiyaan walow ay ku asqoobeen qiiqii iyo dabkii tiro dhan 92 oo ka mida ciidamada loolana cararay isbitaalka karamardha,halkaasoo lagu siiyay Gurmad Deg deg ah laguna wada xidhay Oxygen,islamarkaana ay xaaladoodu caadi ku soo Noqotay.
Hadaba Ciidamada Booliska DDSI ayaa ilaa iyo Hada ku Jira Baadhitaanka Ciladu halkii ay ka timid.sidoo kale maalin 3aadkii ayaa cilad ka timid Dhanka laydhka ay ku dhinteen Magaalada Qabri Bayax,Barwaaqo kastaa Nusqaan lehe Horumarka laga Qaadhay Dhanka Technologiyada ayaa ay ka yimaadeen Masiibooyinkani.

Dhanka kale Waxaa maanta muujiyay ilaa heerka ay shaqcabka u yihiin kabahoodii Ciidamada Booliska DDSi iyo Ciidamada Liyuupolice oo Naftooda u huray kuna asqoobay dabkii.sidoo kale3 hawlwadeenada caafimaad ee karamardha iyo maareeyaha isbitaalka karamardha Dr Mukhtaar Yuusuf ayaa iyaguna heegan u ahaa dadka uu saameeyay dabku,wadar ahaantoodna siiyay gargaar caafimaad.
Wixii Danbe ee ka Soo Kordha Dib ayaanu idiin ka soo sheegi doonaa hadii Alle idmo,ha ka fogaanina Shabakada Cakaaranews.