Baaq iyo hambalyo-Taageereed oo ay u Soo Direen ururka Dhalinyarada SEDYO Caleemosaarka Garaadka Beesha Absame iyo Adeerkood.

Minneapolis(CakaraNews)Ururka dhalinyarada soomalida ethiopia ee (sedyo) ayaa u soo hambalyeeyay Garaadka Guud ee Beesha Absame iyo adeerkod (galineys) Garaad Maxamuud Garaad Dool Garaad Xirsi ee dhawaan lagu caleemo saaray Magaalada Birqod. Halkudhaga Tahniyadeed ee ururka Sedyona uu yahay "Waxaan soodhaweyneynaa oo aan uhambalyeyneynaa Garaadnimada ay sameysteen beesha absame iyo adeerkood oo ah beelkamida beelaha dega deeganka somalida ethiopia kuna soo ceshadeen Sooyaalkoodii taariikheed ee Dhaxal wareegay. Sedyo waa dhalinyaro kasoo jeeda sagaalka gobol (9) ee deegaanka somalidu kakoobanyahay.Sidoo kalana hadaanu nahay dhalinyarada ururka SEDYO waxaanu soo dhaweyneynaa midninimada beesha absame iyo adeerkood Dhanka kale dhalinyarada SEDYO ayaa tidhi,Waxaanu leenahey hambalyo hambalyo hambalyo Garaad Mohamud Garaad Dool Garaad Xirsi,ku adeecnay Garaad waxaanu leenahey noqo Garaad xilka weyn ee Beeshu kuu dooratey si cadaalad xaqsoornimo u guta islamarkaana soo dhaweeya beelaha kale ee deeganka somalida dega. Sedyo waxaa kale oo ay salaameysaa dhamaan bulshaweynta kunool DDSI iyo xukuumada uu hormuudka kayahey Mudane Abdi Mohamud omar,sidoo kale shabakada cakaaranews oo xawli wararka deegaanka ugu tebisa bulshada. Sidoo kale ururka dhalinyarada SEDYO ayaa u soo hambalyeeyay Ciidamada Booliska DDSI iyo Geesiyiinta Liyuupolice oo Maanta muujiyay ilaa heerka ay shacabka kabahoodii yihiin una hureen naftoodii,mar uu dab ka dhashay cilad koronto badhtamaha magaalada jigjiga kuna guulaystay in ay damiyaan. Ugu danbayntii ayaa ay SEDYO ugu baaqday dhamaanba wixii ku abtirsada beesha absame iyo adeerkood in ay adeecaan garaadkooda,islamarkaana soo ceshadaan karaamadii iyo midnimadii lagu yiqiin asalkana u lahaan jireen.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews