Madaxweynaha DDSI oo Manta Xafiiskiisa Si Heer Sare ah ugu Qaabilay Qurbajoogta Gobolka Qoraxeey.

Jigjiga(CakaaraNews)Qurbajoog ka socotay gobolka qoraxeey oo ka kala timid yurub iyo ameerica ayaa maalmahanba ku sugnayd DDSI. Hadaba manta galinkii hore ayaa uu madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu xafiiskiisa si heer sare ah ugu qaabilay qurbajoogtan dalka dbadiisa ka soo socdaashay ee u dhalatay gobolka qoraxeey. Isbarashadii waftiga qurbajoogta iyo madaxweynaha ka dib ayaa uu madaxweynuhu furay shirkii isagoo ugu horayn mahadnaq balaadhan u soo jeediyay waftigan qurbajoogta ah ee isu soo xilqaamay deegaankooda,sidoo kalana warbixin buuxda ka siiyay xaaladaha horumarineed iyo nabadgalyo ee Deegaanka. Madaxweynaha oo hadalkiisii sii watay ayaa ka faalooday qorshayaasha horumarineed ee xukuumada islamarkaana ku wajahan sidii shacabweynaha Deegaanka looga saari lahaa Saboolnimada,taasoo lagu gaadhi karo ayuu yidhi madaxweynuhu in shacabka xoolodhaqatada ah noloshooda loo badalo beeraleey-xoolodhaqato. Sidoo kale madaxweynaha ayaa tibaaxay in xukuumada go’aansatay in shacabka DDSI loogaga faaiideeyo khayraadka dihin ee uu deegaanku leeyahay yidhina”Deegaanka soomaalida itoobiya waxaa mara 3 wabi,taasoo xukuumada ay dejisay qorshayaal shacabka loogaga faaiidayn lahaa kana mid tahay ayuu yidhi madaxweynuhu Barnaamijka Dibudejinta Qoysaska Agagaarada Wabiyada taasoo Wajigii 1aad ee sanadkii hore la dajiyay Qoysas ka badan 85,000 00 Qoys,halka sanadkana Qoysas dhan 35,000 oo Qoys la bilaabay Dibudejintoodii. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay in Qurbajoogta iyo Cid kastoo danaynaysa Maalgashiga degaanka ay xukuumada gacmo furan ku soo dhawaynayso,siiba ayuu yidhi madaxweynuhu qurbajoogta ka soo jeeda DDSI waxaa looga baahan yahay in dalkooda soo maalgashadaan. Dhanka kale madaxweynaha ayaa carabaabay in uu isbedel fiicani ka jiro qurbajoogta,sidoo kalana yidhi waanu cafinay cid kastoo la halmaashay ficilada nabad-diidka waana ay imaan karaan dalkooda cidii ka tanaasusha nabad-diidnimada. Qaar ka mida qurbajoogta qoraxay ayaa ku nuuxnuuxsaday dadaalada muuqda ee ay ku talaabsatay xukuumada uu hogaankeeda hayo madaxweyne cabdi maxamuud cumar,sidoo kalana yidhi waxaa ka maqan doorkii qurbajoogtee waanu buuxin doonaa ka qaybqaadashada dhinacyada maalgashiga horumarineed ee degaanka. Dhanka kale Sahra Wali Cabaas oo ka mid ahayd qurbajoogta qoraxay ayaa iyadu maalgashi ku samaystay degaanka,uyadoo magaalada jigjiga ka samaysay restaurant aad u wayn oo leh Qalab casri ah oo Cuntooyinka kala jaad jaadka ah lagu sameeyo Ugudanbayntii ayaa ay qurbajoogta Gobolka Qoraxeey Codsiyo u gudbiyeen Madaxweynaha,islamarkaana uu ka aqbalay Madaxweynuhu Codsiyadoodii,Qurbajoogta Gobolka Qoraxay ayaa maalmaha fooda inagu soo haya Booqan doona meelo ka mida degaanka.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews