Barcelona Oo Ku Guuleysatey Abaal Marinta Kooxda Sanadka 2012 Ee "the Laureus World Team Of The Year"

Cakaara(Sport).Naadiga kubada cagta Barcelona ayaa ku guuleystay abaalmarinta kooxda sanadka 2012ka ee "Laureus World Team of the Year" oo sanadkiiba mar la bixiyo lana gudoonsiiyo kooxda ugu qatarsaneyd sanadkii tagay Barcelona oo sanadkii tagay isku darsatay koobka kooxaha aduunka, kan kooxaha horyaalada Yurub ee Champions League, horyaalka Spain iyo weliba super cup.ka Spain ayaa muteysatey in sanadkan la gudoonsiiyo abaal marinta kooxda sanadka iyagoo buundooyin badan kaga qaaday kooxihii kale ee la tartamayey oo kala ahaa Dallas Mavericks, Formel 1-Team Red Bull iyo xulka Ingiriiska ee cayaara cricketka. Abaal marintan oo aan loo kala soocin nooc ciyaareed gooni ah ayaa waxaa hadba la qiimeeyaa kooxda soo hoysa guulo dhaxal gal ah nooc kasta oo ay cayaartaba iyadoo dhanka kooxaha kubada cagta ay abaal marintan u tahay markii 7aad tan iyo markii la bilaabay abaal marintan sanadkii 2000. Madaxweynaha kooxda Barcelona Sandro Rosell iyo ku xigeenkiisa Carles Viarrubi ayaa abaal marintan u gudoomay kooxda xaflad weyn "galla" oo xalay ka dhacday xarunta Westminister Central Hall ee magaalada London. Naadiga Barcelona oo la rumeysan yahay iney yihiin kooxda ugu qatarsan aduunka ayey tani u noqoneysaa aqoonsi kale oo ay ku heleen dadaalkooda iyo guulihii ay soo hoyeen iyadoo ay usii dheer tahay in xidigooda weyn Messi uu isna markii 3aad oo xiriir ah gudoomo abaal marinta cayaaryahanka sanadka. Kooxda Manchester United ayaa markii ugu horeysey ku guuleysatay abaal marintan sanadkii 2000, halka xulalka Faransiiska 2001, Brazil 2003, Giriiga 2005, Talyaanoga 2007 iyo Spain 2011 ay hore ugu guuleysteen abaal marintan.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews