Wasiirka Wasaarada Caafimaadka DDSI iyo Ku Xigeenka Xafiiska Maaliyada oo Maanta Qado-sharaf ugu Sameeyay Hotel Bade Waftiga Qurbajoogta Qoraxeey.

Jigjiga(CakaaraNews).Wasiirka Wasaarada Caafimaadka DDSI Mudane Xabiib Muxumed Yuusuf iyo Kuxigeenka wasaarada Maaliyada iyo horumarinta Dhaqaalaha DDSi Mudane Maxamed ibraahim. ayaa Qado-sharaf ugu sameeyay hotel Bade waftiga Qurbajoogta Gobolka Qoraxeey ee maalmahanba ku sugan xarunta degaanka ee magaalada jigjiga. Munaasabadan qado sharafta ayaa ay kala soo qayb galeen qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Xafiiska Qurbajoogta DDSi Mudane Cabdi Gamaadiid,Wasiirada Xafiiska haweenka iyo dhalinyarada ddsi Marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe iyo maareeyaha shabakada cakaaranews mudane baashe cabdi Qadadii dusheeda ayaa la isku waydaarsaday kaftan-hasaaweed ay ka mid ahaayeen odhaahyadan walee Xukuumada waxay taabo galisay Horumar baaxad weyn,ciidamada Liyuupolice waa Kabaha Shacabka,maxaa Qoraxeey Jaamacad looga dhisi waayay,Qoraxeey wax badan baan ka dhisi doonaa,ma xasuusataa berisamaadkii iyo meeshii iyo ereyo kalaba. Ka dib ayaa markii laga soo jeestay qadadii ay qaar ka mida qurbajoogta qoraxeey u mahadceliyeen soo dhawaynta xukuumada u muujisay iyo Wasiirada isku hawlay in ay manta ugu sameeyaan Hotel Bade maanta qado sharaftan sida heerka sare ah loo soo agaasimay. Dhanka kale Waftiga Qurbajoogta Qoraxay ayaa sheegtay in ay u tafa xaydan doonaan wixii eegga ka danbeeya in ay buuxiyaan doorka kaga aadan Horumarka Deegaanka

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews