Orodyahan Reer Kenya oo Lug Laga Jaray

Cakaara(Sport).Orodyahan reer Kenya ah oo ka qayb gala orodada dhaadheer ayaa muddo labo maalmood ka badan ku lunsanaa duufaanno baraf ah oo ka dhacay gobolka Alaska ee waddanka Maraykanka,taasoo barafkii uu sababay in lugtiisa laga jaro meel in yar ka sarreysa anqawga. Markii uu Marko Cheseto oo u orday Jaamacadda Alaska uu lumay ma uusan xirnayn wax dhar ah oo qabowga ka celiya. Hadaba markii la soo helay sagaalkii bishan November waxaa uu ahaa mid barafoobay oo cagaha iyo gacmuhuna qallaleen.Saraakiil jaamacadda ka tirsan waxay sheegeen in la filayo in gacmihiisu si buuxda u bogsadaan. Jaamacaddu ayaa waxay sheegtay in Mr Cheseto oo baranayay kalkaaliye caafimaad iyo quudinta uu muddo ku sii jiri doono isbitaalka. Orodyahanku waxaa uu yiri anigoo weli ka soo kabanaya dhibkii igu dhacay jir ahaan iyo dareen ahaanba, waxaan u mahadcelinayaa jaamacadda iyo mutadawiciintii baadigoobkeyga ka qayb galay, waxaana aan ku dadaali doonaa inaan u abaalgudo bulshadii aadka ii caawisay iyo dalka aan u dhashay ee Kenya. Markii la soo helay waxaa la sheegay in koox caafimaadka ah ay lugihiisa ka saari waayeen kabihii sport-ga ee uu gashanaa oo jirkiisa ku qallalay. Intii uu jaamacaddaas ku jiray, Mr Cheseto, waxaa uu dhigay waqti cusub oo uu ku sameeyay orodka nus maaratoonka ee magaalada jaamacadda ka dhacay sanadkii 2010, waxaana uu ku guulaystay dhowr jeer oroddo ay ka qayb galeen dhammaan ardayda jaamacadaha Maraykanka.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews