Ururka Ardayda SESAM oo hambalyo u soo diray Garaadka Guud ee Beesha Absame iyo Adeerkood

Malaysia(CakaaraNews).Ururka Ardayda SEASAM (Somali Ethiopian Students Association Malaysia) ee wax ka barta wadanka Malaysia ayaa hambalyo iyo bogaadin ay ku taageerayaan Caleemo saarka Garaadka guud ee beesha absame iyo Adeerkood Garaad Maxamuud Garaad Sool Garaad Xirsi oo dhowaan lagu caleemo saaray Gobolka Dhagaxbuur gaar ahaan degmada Birqod.
Baaqan iyo hambalyada uu soosaaray ururka Dhalinyarada ardayda wax ku barata Malaysia SESAM ayaa ay dhamaanba Ardayda Malaysia wax ku barata ay hambalyo iyo bogaadinba u soo dirayaan Garaadka guud ee beesha Absame iyo Adeerkood Garad Maxamud Garad Dool Garad Xirsi.
Baaqani oo goor sii horaysay ee maanta ay Dhalinyaradu nuquladiisa gaarsiiyeen warbaahinta afka somaliga ku baxda gaar ahaan website yada DDSI ayaa lagu sheegay in ururku uu ilaahay uuga baryayo Garaadka inuu howsha culus ee uu dhabarka uritay ilaahay ufududeeyo, waxaana baaqan ay ururka ardayda Malaysia ku sheegeen inay muhiim tahay in dhamaanba umadda ku dhaqan DDSI iyo Dalka Dibadiisuba ay taageero buuxda iyo garaba siiyaan Garaadka guud ee beesha Absame iyo Adeerkood Garad Maxamud Garad Dool Garad Xirsi oo ay sheegeen inuu yahay Garad xilkasnimo iyo wadaninimo ku jirto isla markaana ka qayb qaata dhamaanba Horumarka, Nabad geliyada iyo Dib u curashada kahanaqaaday DDSI .
Ugu danbayntii ayaa ay uruka Ardayda Malaysia Hambalyo u soo direen Xukuumada uu Hogaankeeda Hayo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar,yidhaahdeena waa hubaal in xukuumada isbadal la taaban karo ka dhaqan galisay DDSI.