Magaalada Gosolaleey oo Ceel Biyood Laga Qodi Doono.

Dh/buur-Gosololeey(CakaaraNews) Markii uu Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu ku guda jiray Wajigii 2aad ee Socdaalkiisii UBO-QUUSIS,ayaa ay ka mid ahayd Gosololeey meelihii uu soo maray taasoo ay shacabku ka codsadeen madaxweynaha in loo qodo ceel biyood,Maadaama Gosololeey aynan lahayn Ceel Biyoodka gunta dheer oo ay ka cabaan Baraago. Madaxweynaha ayaa Aqbalay Codsigii odayaal dhaqameedka Gosololeey uga yimid,kana soo balanqaaday in degdeg ay Xukuumadu uga jawaabi doonto hirgalinta Codsiga shacabka Deegaanka Gosololeey. Hadaba Xukuumada DDSI oo ka jawaabaysa Codsigii shacabka Gosololeey ayaa u dirtay wadar ahaan Khabiiradii Cheologyska ahaa iyo Riigii Qodi lahaa Ceel biyoodka,taasoo ku tusaysa in xukuumada DDSI ay ka go’an tahay in si deg deg ah wax looga qabto baahiyaha aasaasigaa ah ee bulshada Deegaanka. Injineerada,shaqaalaha iyo Riiga Tegay Magaalada Gosololeey ayaa uu daadihinayay Gudoomiyaha Degmada Dh/buur Mudane Axmed Maxamed Shukri,islamarkaana uu shacabka gosololeey ugu bishaareeyay in uu u wado jawaabtii xukuumada oo ah in ceel biyood si dhaqso ah looga qodo Gosololeey. Shacabka ku dhaqan Gosololeey ayaa aad ugu riyaaqay jawaabta degdega ah ee ay xukuumada ka bixisay codsigoodii ahaa in ceel biyood loo qodo,amaanayna dadaalka hagar la’aaneed ee xukuumada DDSI. Gosololeey ayaa ah deegaan ka tirsan maamulka degmada dh/buur,islamarkaana xuduud la leh degmooyinka dh/madow,jigjiga iyo ararso.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews