Laan Cusub oo ah Bankiga Horumarinta Dhaqaalaha iyo Dhismayaasha oo uu Xadhiga Ka Jaray Mayorka Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(CakaaraNews).Laantii 56aad ee Bangiga Horumarinta Dhaqaalaha iyo Dhismayaasha ayaa uu si rasmi ah uu xadhiga uga jaray Mayorka Maamulka Magaalada Jigjiga Mudane Cabdi Daahir Qaasim(Cabdi-Dheere),laantan ayaa si rasmi ah hawlgalkeeda ku aadan dhinacyada Horumarinta Dhaqaalaha iyo Dhismayaasha uga bilaabi doonta magaalada jigjiga,islamarkaana qayb ka ah horumarka iyo kobaca dhaqaale ee ay Xukuumadu hiigsanayso sanadaha soo socda.
Munaasabada xadhiga looga jarayay Bangiga Dhismayaasha iyo Dhaqaalaha laantiisa jigjiga ayaa uu ku wehelinayay Maareeyaha Bankigan Cusub.
Mayorka Maamulka Magaalada Jigjiga oo hadal kooban ka soo jeediyay munaasabadan xadhiga loogaga jarayay Bangiga ayaa ku booriyay Shirkadaha,Aqoonyahanka iyo Ganacsatada deegaanku in ay la soo xidhiidhaan,islamarkaana macaamil wanaagsan la yeeshaan Bangigan oo qayb wayn ka qaadan doona Dhaqaalaha Deegaanka iyo Bilicda dhismayaasha Xawliga ah ee ka socda magaalada jigjiga.
Dhanka kale Bangiga Horumarinta Dhaqaalaha iyo Dhismayaasha ee Dalka itoobiya,ayaa warbixino aanu ka helnay tibaaxayaan in sanadkii tegay uu faaiiday adduun lacageed oo ka badan 100,000,000(Boqol milyan).