Golaha Capinetka DDSI oo Kalfadhi uu yeeshay Galabta ku Ansaxiyay Qodobo Doora.

Jigjiga(Cakaaranews).Galinkii Danbe ee Maanta ayaa ay shir isugu yimaadeen dhamaanba golaha capinetka DDSI hoolka shirarka capinetka dawlada ee xafiiska madaxweynaha DDSI.kulankan uu yeeshay galabta golaha fulinta DDSI ayaa uu hogaaminayay madaxweyne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka madaxtooyada Mudane C/Fataax Maxamuud Xasan. Ajandayaasha hor yaalay galabta golaha capinetka DDSI ayaa ka koobnaa 8 qodob oo nuxurkoodu ahaa 1-Wada Falanqaynta Kharashkii ku baxay Qiimayntii waxqabadka 6dii Bilood ee Hay'adda Garsoorka oo Dhan Lacag 700,000(Todoba Boqol oo Kun) 2-Wada Gorfaynta iyo Falanqaynta Qaacidada Miisaaniyad Qaybsiga Sanadka soo socda(Budget Grant Formula) si loogu gudbiyo Golaha Federationka DF 3-Qiimaynta iyo Gorfaynta Xogta booqashadii lagu soo kormeeray mashruuca galbeedka godey 4-ka wada hadalka hanaanka dhul-bixinta iyo falanqaynta magdhowga la siinayo Dadka laga qaado Goobihii ay daganaayeen,5-ka wada hadalka aasaasida iyo ansaxinta Qaab-dhismeedka Wakaaladda Dhisida iyo Kobcinta Iskaashatooyinka Heer Degmo,6-wada gorfaynta xeer-nidaamiyaha qaab-dhismeedka xarunta xaqiijinta tayada xirfadlayaasha DDSI,7-ka wada hadalka iyo ansaxinta miisaaniyada sanadkan 2004 ee wakaalada abuurka xulka ah ee beeraha iyo calafka xoolaha oo dhan 1,135,184 iyo 8-ka wada hadalka habsami u socodka barnaamijka dibudejinta Qoysaska. Kulankan oo Wakhtigii lagu jiray uu aad u dheeraa ayaa Abaarihii 8:25 Fiidnimo soo gabagaboobay,iyadoo Golaha Capinetka DDSI ay si xeel dheer uga doodeen Qodobada kor ku xusan,islamarkaana ku haboonaanshaha iyo Nidaamyada loo marayo Hirgalinta Qodobadan ay Afkaarahooda ku aadaan Qodob qodob u sharaxeen. Golaha Capinetka DDSI ayaa Wadar ahaanba ansaxiyay Qodobadii la soo hordhigay,islamarkaana cod buuxa ku ansaxiyay dhaqangalkooda,waxaa xusid mudan in aad garawsan karto heerka ay xukuumadda DDSI ay ka go'an tahay Taabo galinta Horumar taam ah,iyo sida Qorshayaasheeda ku aadan Diyaargarawgeeda Qoondaha miisaaniyadeed la sameeyay xilli ku haboon. Isku soo wada duuboo waa markii 1aad ee DDSI la dejiyo Qorshaha Halbeega Qoondaha Miisaaniyadeed ee wax lagula Qaybsanayo Dawladda Federaalka(Budget Grant Formula).

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews