Shir Laga Wada Hadlayay Talaalka Cudurka Dabaysha Caruurta DDSI oo uu Madaxweyne Ku Xigeenka DDSI Ahna Wasiirka Madaxtooyadu uu Ka Qayb Galay Saaka.

Jigjiga(CakaaraNews).Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Madaxweyne Ku Xigeenka DDSI ahna Wasiirka Madaxtooyada Mudane C/fataax Maxamuud Xasan,Wasiirka Caafimaadka DDSI Mudane Xabiib Muxumed Yuusuf,Hay’ada UNICEF,Hay’ada WHO iyo Marti sharaf kalaba,ayaa ujeedadiisa ugu wayni ay ahayd sidii loo hirgalin lahaa talaalka Cudurka Dabaysha,islamarkaana bulshada wacyi buuxa laga siin lahaa faaiidada qaadashada talaalku uu u leeyahayCaruurta.

Madaxweyne ku xigeenka ahna wasiiru dowlaha DDSI Musane C/Fataax Maxamuud Xasan oo ka hadlay munaasabadan ayaa tibaaxay faaiidada balaadhan ee caruurta uu u leeyahay talaalka dabayshu,islamarkaana carabaabay in xukuumada ay wasaarada caafimaadka iyo xirfadlayaasha caafimaadka ee ku hawlan ololaha talaalka Cudurka Dabaysha la siinayo guud ahaan Caruurta degaanka,si ubadka looga badbaadiyo cudurka dilaaga ah ee dabaysha in xukuumada la garab istaagi doonto taageero wixii looga baahdo ayuu yidhi mudane C/fataax.

Dhanka kale Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDSI Mudane Xabiib Muxumed Yuusuf ayaa isna dhankiisa tibaaxay in wasaarada caafimaadku si wayn ugu diyaargarawday fulinta ololaha Talaalka Dabaysha,iyadoona Guud ahaan Deegaanka laga Talaali doono ayuu yidhi Caruur dhan 900,000(Sagaal Boqol oo kun),Sidoo kalana Miisaaniyada loo Qoondeeyay in ay ku Baxdo ololaha Cudurka Dilaaga ah ee Dabaysha Tahay 5,000,000(Shan Milyan).
Sidoo kale Mudane Xabiib ayaa Carabaabay in Ololaha Talaalka Cudurka Dabayshu uu ka dhici doono Dhamaanba 67da Degmo,islamarkaana ka Codsaday Maamulada iyo Shacabka ku dhaqan Degmooyinka DDSI in ay uga faaiideeyaan Qaadashada Talaalka Dabaysha Caruurta,si loo yareeyo Dhibaatooyinka uu Cudurkani u keeni karo Caruurta.
Ololahan Talaalka Caruurta ee Cudurka Dilaaga ah ee Dabaysha ayaa ah Wajigii 2aad iyo Wajigii 1aad Si fiican uu uga dhaqan galay Deegaanka.