Falaadhi Gilgilasho kaagama fuqdo,maxaa ka soo cusbaanaday Dilkii C/qaadir Foolow(Gunagado).

Gunagado(CakaaraNews).Ka Dib Markii ay soo afjarantay kiishkii waynaa ee uu ina cumar dacay u toshay halgan ku sheega maqaar saarka ah ee UBO,beenawdayna Malihiisii mala awaaleed ee uu madaxa la galay Mareegtii Ciidamada Geesiyiinta Liyuupolice oo dhaxalsiiyay in ay meesha ka saaraan riyadii Khiyaaliga ahayd ee ina cumar dacay,ayaa uu ina cumar dacay ku wayraxay laynta shacabka,kana bilaabay Reer maxamed Cukur Dhexdiisa. Horaa loo yidhi geeloo Daaqoo oo markaad gunbuur daaqdaa laguu yaabaaye,waa ta manta haysata halgan ku sheegii Fadhiidka ahaa ee ina cumar dacay ka dib markii uu isugu soo biyo shubtay in uunan u aaba yeelin laynta reer maxamed cukur oo shirqool uu soo abaabulay,una soo wakiishay Cabdi Ciwal oo uu adeer u yahay iyo qaar shacab ahaa ay ku dileen Gunagado C/qaadir Guuleed Foolow. C/qaadir Guuleed Aadan (Foolow) ayaa goor habeenimo ah ay ku dileen Dad ka mida UBO oo isugu jiray kuwo waranle iska dhigayay iyo kuwo hubaysanba,taasooy si axmaqnimo ah ay xaaskiisa horteeda ugu Ka dib ayaa Ciidamada Liyuupolice oo maqlay Xabadii lagu dilay Marxuum C/qaadir Foolow ay beegsadeen goobtii,halkaasooy ugu tageen xaaskii c/qaadir foolow oo shoog maydka ku ag qaaday,halkaasooy raad qaadeen kooxdii falka gaysatay,islamarkaana indhaha u wada shideen,iyadoona UBOda indhaha loo shiday uu ku jiray Cabdi Ciwal oo adeer uu u yahay ina cumar dacay. iyo Dhanka kale waxaa ay UBO ku fashilantay khidadaheedii been abuurka ahaa ee ay falalka waxashnimo ee ay samayso Dusha ka saari jirtay Dawladda,mala awaalkeediina noqday Expiry Date,kuna jili jireen sida indho sarcaadyada ka fog xaqiiqda ee laga daawado Filimaanta Hindida,taasoo Dacaayadahii ay UBO xiliyadii Hore shaaciyeen,ay Hay’adaha Xuquuqda Binu’aadamka Sida Human Right Watch iyo Amnesty International ay Dalka itoobiya ka raali galiyeen,ka dib markii ay Garwaaqsadeen in aanay Waxba ka jirin gacan ay ku lahayd Deegaanada la Gubay ee ay ka mid ahaayeen Lahelow,Caado iyo Qamuudo,islamarkaana ay ahaayeen kuwii Gubay Xulafada UBO ee ina Cumar Dacay. Waxaa xusid mudan in dhamaanba Dadkii Filimaanta Been abuurka la jili jiray ay Maanta ku sugan yihiin DDSI,ka dib dheehashadoodii Xaqiiqda dhabta ah ee manta Deegaanka ka jirtana,go’aansaday in ay dib u beeniyaan Beentii hore soona bandhigaan Xaqiiqda jirta Sidoo kale waxaa fashilmay oo wakhtigiisii dhacay Dadkii ay UBO uus-xabaalka ku samayn jirtay iyo dhamaanba falalkii ay hagardaamada ugu gaysan jireen shacabkaba. Hadaba Horaa loo yidhi Dacawo Meeshay Macal uga baratay Macaluul ugu Bakhtidaaye ileen Wan Gawracani Geed kama Waabtee,inacumar Dacay iyo Xulufadiisii Gofanaha ku ahaa Shacabka Deegaanka markii La wiiqay jiritaankoodii,Socdaalkii UBO-QUUSISNA Wajiyadiisii si aan la Qiyaasi karin iyo Guul ku soo Dhamaadeen,Fashilantayna Indhosarcaadkii Beenta Huwanaa ee ina Cumar Dacay ayaa ay Jawaab uga dhigeen Dilka C/qaadir Guuleed aadan(Foolow),taasoo Sababtay in ay shacabka ku nool dalka Gudahaiisa iyo Dibadiisaba sii labanlaabto Nacaybka loo Qabay Dhagar-Qabe ina Cumar dacay. Isku soo wada Duuboo Mar hadii Socdaalkii UBO-QUUSIS uu soo Taabtay Xeedhada salkeedii ee halgan ku sheegii Ina Cumar Dacay,islamarkaana qurbajoogtii ay ina cumar dacay culays ku saareen in uu ka jawaabo,halgan ku sheegii meeshuu jaan iyo cidhib dhigay.in Lagaga jawaabo daadinta Dhiiga Odoyaal dhaqameedka laga Ixtoraamo Dalka iyo Dibadaba,ma qayb halgan ah baa oo baalasha dib ugu soo bixin doonta Ina Cumar Dacay? jawaabse ma u noqon kartaa dilka c/qaadir foolow,ma gumaysi ayuu ahaa c/qaadir foolow?aaway tigreegii ay lahaayeen halgan baanu kula jirnaa?mase hayaan UBO Awood ay ku waajihi karaan dagaal ay kala hortagaan ciidamada federaalka iyo geesiyiinta liyuupolice midkoodna?

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews