Tababar Kor loogu Soo Qaadayay Xirfadda iyo Kartida Aqooneed ee Shaqaalaha Xisaabaadka XaFiisyada Dakhliga Iyo Maaliyada Degmada Qabridahar oo Soo Gabagaboobay.

Qabridahar(CakaaraNews).Tababar kor loogu soo qaadayay kartida aqooneed ee shaqaalaha Xafiiska Dakhliga Degmada Qabridahar ayaa lagu qabtay Magaalada Qabridahar,tababarkan kor loogu soo qaadayay Aqoonta iyo Xirfadda Xilgudashada Shaqaalaha Xafiiska Dakhliga Degmada Qabridahar,ayaa uu soo Diyaariyay Xafiiska Xafiiska Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Degmada Qabridahar.
Tabababarkan ayaa ay qaadanayeen Dhamaanba shaqaalaha Xisaabaadka ee Xafiisyada Dakhliga iyo Maaliyadda ee Degmada Qabridahar si loo kobciyo kartida iyo Awoodooda Shaqo ee ku wajahan Hawlaha Xisaabaadka.
Dhanka kale tababarkan oo soo Gabagaboobay ayaa xafladii xidhitaanka uu ka hadlay Madaxa Xafiiska Kobcinta Awooda iyo tayada degmada Qabridahar Mudane Shucayb ibraahim,isagoona sheegay in guud ahaanba shaqaalaha shaqadoodu la xidhiidho arimaha xisaabaadka ee ka shaqeeya xafiisyada dakhliga iyo maaliyadda degmada qabridahar loogu talo galay tababaro kala duduwan oo la xidhiidha diiwaangalinta kharashka,kharashbixinta iyo samaynta qorshayaasha miisaaniyadeedba.
Sidoo kale mudane shucayb oo ka hadlayay ahmiyada uu u leeyahay shaqaalaha xisaabaadka tababarkana dhamaystay ayaa yidhi waa in aqoonta aadtababarkan ku qaadateen ugu faaiidaysaan shacabkiina,islamarkaana si dheeli tiran kharashaadka u diiwaan galisaan.
Tababarkan la siinayay shaqaalaha Xisaabaadka ee Xafiisyada Dakhliga Iyo Maaliyada Degmada Qabridahar,ayaa si fiican u soo gabagaboobay,taasoo la filayo in xilgudashada shaqaalaha Xisaabaadka ee Degmada Qabridahar uu wax wayn ka tari doono.