Xaflada Sanadguurada Hay’adda SAAD ee 2011 oo Jigjiga Si heer Sare ah uga Dhacday (Sawiro)

Jigjiga(CakaaraNews).Waxaa magaalada Jigjiga Hoolka shiraraka ee Hotel Xamada ay kusoobandhigtay Hay,dda Gargaarka & Horumarinta DDS ( SAAD ) Munaasabad lagu soo bandhigay Waxqabadkeedii sanadkii dhamaaday ee 2011 Xafladan oo uu Hogaaminayay Gudoomiyaha guud ee Hay,adda Mudane Sh Axmed Sh C/naasir ayaa waxaa lagau marti qaaday Dad badan oo isugu jiray qaar kamaid ah Madaxd sarsare ee DDS oo uu hogaaminayay M/wayne kuxigeenka DDS Mudane C/fataax Maxamuud Xasan , Wasiirka Dakhliga Mudane C/raxman Sh.Maxamed (Gurey), Wasiirka Maalginta DDS Mudane C/Naasir Maxamed Adan Agaasimaha Digniinta hore ee Xafiiska DPPB ee DDS Mudana Maxamed Rashiid, qaybaha kala duwan ee bulshada sida Garaadyada oo uu hogaaminayay Garaad Maxamud Garaad Dool, Ugaasyo, culimaa’udiin, Hay’adaha Samafalka ee Caalamiga ah , qaar ka mid ah Xafiisyada UN-ka ee Jijiga, Xubanaha sadexda Gole Hogaamin ee SAAD iyo Xubnaha SAAD ee dalka gudihiisa, Haweenka, Ardayda Qurbajoogta iyo dhalinyadarada Magaalada Jijiga.

Furitaankii xaflada ayaa waxaa si rasmi ah u furay masuul ka socday Xafiiska DPPB ee qaabilsan arrimaha hay’adaha ee DDS mudane Maxamed Rashiid waxuuna sheegay in mudadii sanadka ahayd ee ay Ha,y,adu shaqaynaysey ey waxqaban qabatay asgoo kutilmaamay in xafiis ahaan ay ogyahiin shaqa wanaaga SAAD oo ay uqiimaysantahay waxuuna yidhi waa Hay,adda sida dagdaga ah ooga jawaabatay waxaan usoojeedino. Kadib waxaa warbixn faahfaahsan soojeediyay Gudoomiyaha guud ee SAAD Sh.Axmed Nashaad asagoo Umahadceliyay marti sharaftii goobta joogtay iyo inta hawada kalasocotaba waxuuna sidookala kahadlay ujeedada Munaasabadii xaflada asagoo soobandhigay Waxqabadkii SAAD ee sanadkii tagay 2011-kii.
Intaa kadib ayaa waxay Masuuliintii SAAD soo bandhigeen Cajal Filim Maqal & Muuqaal ah oo aad iyo aad uxiisa badnaa dadweynihiina kubeeray qiiro wadaniyeed oo qaar ilamada ceshen waayeen kaasoo socday mudoo 45 daqiiqa ah. waxaana lagu soobandhigay waxqabadkii SAAD ee 2011 waxaana kamid ahaa muuqaaladii xiisaha lahaa mashaariicdii badnee oo kamaid ahaa Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Beeraha, Gargaarka deg dega ah, Adaaxida, Siminaaro, Agoonta, iyo Wufuud kala duwan oo hay’ada soo booqday mudadaas sanadka ah.
Daawashada cajalkan kadib ayaa waxaa hadalo lasiiyay qaar ka mid waxgaradka iyo masuuliyiintii kasoo qayb galay Xaflada, hadeynu ku horeyno Ugaasyada waxaa uhoreeyey Ugaas Maxamed Cirro oo ku amaanay hay’ada waxqabadkeeda isagoo sheegay in aynan malahiisa ku jirin waxqabadka intaa la eg ee uu daawaday ugaaska ayaa hay’ada ku tilmaamay mid waxqabadkii laga sugayay si buuxda uga soo baxday oo aan lahayn wax dhaliil ah.Ugaas Faarax Ugaas Sahal ayaa isna dhankiisa sheegay in uunan filaynnin in hay’adu ay ku talaabsatay waxqabad muuqda oo heerkan oo kala ah ugaaska ayaa ku amaanay hay’ada sida wadaniyada ah ee ay ugu adeegtay bulshada iyadoo si sinaan ah u wada gaadhay dhamaan gobolada iyo degmooyinka degaanka intooda badan.

Wasiisrka Maalgalinta ee DDS Mudane C/naasir ayaa isna fikirkiisa ka dhiibtay waxqabadka hay’ada ee 2011 isagoo sheegay in intii uu ka shaqeeynayay degaanka ay tahay markii koowaad ee loogu yeero Xaflad ay hay’ad wadani ah kusoo ban dhigayso waxqabadkeeda taana uu ku amaanay masuuliyiinta SAAD isagoo ku tilmaamay inay yihiin dad si dhab ah ugu adeegaya shacabkooda sidoo kale wasiirka ayaa ku booriyay bulshada in la garab istaago hay’adda.
Martidii madashaa ka hadashay oo aad u badnaa ayaa dhamaantood waxay hay’ada ku amaaneen waxqabadka muuqda oo ay hay’adu muddo halsano ah kusoo bandhigtay iyagoo sheegay in waxqabadkaas uu ahaa mid aad loogu riyaaqay hay’aduna ay si weyn u dadaashay qaar ka mid ah waxgaradkii ka hadlay xaflada ayaa ku tilmaamay waxqabadka hay’ada in uu u dhigmo 10 sano waxqabadkeeda
Gabagabadii xafladan ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha guud ee SAAD Sh.Axmed Nashaad isagoo u Mahadceliyay intii ka qayb qaadatay hirgalinta waxqabadkan oo ay ugu horeyso Dowlada Degaanka oo uu Hormuud ka yahay Madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo dhamaan Wasiirada iyo Wasaaradaha DDS sidoo kale ayaa gudoomiyuhu u mahadceliyay dhamaan dadkii gacanta ka geystay guulahaas ay hay’adu ku talaabsatay.
Xafladan oo loogu tala galay in bulshada loogu soo bandhigo waxqabadka Hay’ada ee sanadkii tagay ee 2011-ka iyo in wixii dhaliil ah ama talo iyo tusaale ah lagu kordhiyo hay’ada ayaa waxaa xidhay Madaxweyne kuxigaanka DDS mudane C/fataax Maxamuud Xasan oo hay’ada ku amaanay waxqabadka muuqda oo ay degaanka ka fulisay isagoo ku tilmaamay hay’ada mid ka dhex muuqata bulshada kuna caan baxday waxqabad iyo hufnaan dheeraad ah.
Xafladan oo kusoo dhamaatay jawi wanaagsan ayaa ugu dambayntii waxaa lagu qadeeyey isla Hotelka oo ay hay’adu qado sharaf u sameysay dhamaan xubnihii kasoo qaybgalay xafladaas.