.Ciyaartoyga Ay Walaalaha Yihiin Samuel Eto’o Maxaa Looga Cayriyay Kooxdii uu u Ciyaari Jiray ee Dalka Austria?

Cakaara(Sport).Wiil la dhashay Weeraryahan Samuel Eto'o ayaa waxaa laga cayriyay kooxdii uu u ciyaari jiray taas oo ka dhisan dalka Austria laguna magacaabo Lustenau .
Xiddigaan oo 22 jir ah waxaa lagu magacaabaa Etienne Eto'o waxeeyna isku Aaabe & isku Hooyo yihiin Laacib Samuel Eto'o
Etienne Eto'o oo bishii Agusto u yimid kooxda Lustenau wuxuu u dhaliyay hal Gool oo kaliyah waxaana lagu eedeeyay inuu waqtigiisa ku dhameeyay Tumasho iyo aadista Kalaabyada lagu tunto oo inta badan Hablaha jirkooda ka ganacsado iskugu yimaadaan halkaasoo dhoor jeer lagu soo garaacay ama uu Dagaal ku soo galay Etienne Eto'o oo aan raacin jidkii Walaalkiis Weeraryahan Samuel Eto'o.
Etienne Eto'o wuxuu hada u hayaamay horyaalka dalkiisa hooyo ee Cameroon waxaana markii ugu dambeeysay Ishiisa ama wajigiisa ka muuqday dhaawac ka soo gaaray mar uu Dagaal la galay kooxo Cabsan oo uu ugu faanay Lacagta Walaalkiis Samuel Eto'o.