Jigjiga (CakaaraNews) Xafiiska Maamulka ee Dawlad
Degaanka Soomaalida ayaa shaaca ka qaaday in 14ka bishan aan ku jirno ee
Yakaatiit ay Xafiiska Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka lagu qabanayo kulan
lagu qiimaynayo doorka taakulada ee wasaaradaha heer Federaal ay siiyaan
xafiisyada Degaanka Soomaalida.
Kulan kan oo lagu qiimaynayo doorka ay wasaaradaha horumarinta ee heer federaal ee ay ka midka yihiin Wasaarada caafimaadka, Wasaarada Waxbarashada, wasaarada Biyaha, & wasaarada Beeraha ay ka xafiisyada dhigooda ah ee heer Degaan ay ka taakuleeyeen barnaamijyada horumarinta ee Degaanka Soomaalida ka socda.
Kulankan oo ay ka qayb gali doonaan dhamaan masuulada madax xafiiseedada xafiisyada horumarinta ee Degaanka Soomaalida waxaa qiimayntooda soo jeedin doona xafiisyada heer degaan ee waxbarashada, caafimaadka, beeraha & biyaha ay ka midka yihiin.
Sida la wada ogsoon yahay, waxaa degaanka Soomaalida si joogto uga dhacda qiimayn lagu sameeyo waxqabadka xafiisyada horumarinta ee ay ka mid yihiin Waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha & Biyaha, ayaa hadana waxaa dhawaan la sameeyay in qiimayntan la barbar wado oo lagu eego taakulaynta ay waaxyaha heer federaal ka gacan siiyaan kuwa heer Degaan.
Dhinaca kale, waxaa dhawaantan la go'aamiyay in luqada Af Soomaaliga oo sannadka soo socda lagu dari doono in lagu qaato imtixaanada sannadka soo socda lagu soo diyaariyo caasimada Addis Ababa, oo lagu soo darro Imtixaanka heer qaran. Inkastoo luqada Soomaaliga ay tahay luqada rasmiga ee Dawlad Degaanka Soomaalida, isla markaana lagu dhigto dugsi hoose ilaa dugsi sare, balse maadada Soomaaliga laguma soo diyaarin jirin imtixaanka heer Qaran.
Sidaa aawadeed, waxaa haatan Luqada Soomaaliga loo ansixiyay in lagu daro maadooyinka lagu soo diyaariyo imtixaanka heer qaran, taas oo u saamaxaysa in luqada Soomaaliga loo qaato in Tacliinta sare ee shahaadada Diplomaga & Degreega lagu barto.
CakaaraNews