Munaasibad Lagu Xusayay Mowliidka Nabiga (CSW) oo Lagu Qabtay Magaalada Jigjiga

Mowliid Nabi BarakaysanJigjiga (CakaaraNews) Munaasabad lagu barakaynayo Xuska Maalinta Dhalashada Rasuulka (CSW) oo ku beegan maalintan Jimcaha oo ay ka soo qayb galeen dhamaan Culumada ugu waawayn ee aadka looga yaqaano Magaalada Jigjiga & Degaanka Soomaalida ayaa lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan.

Waxaa kale oo munaasabadan ka qayb galay masuuliyiin sar sare oo ka socda Golaha Sare ee Islaamka DDS oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Golaha Sare ee Islaamka, Sheekh Jaamac Cabdi Guuleed, iyo masuuliyiin sar sare oo ka socotay dhanka Dawladda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Gudoomiye ku Xigeenka Majlisul Aclaaga ee Golaha Sare ee Islaamka, Sheekh Cabdifataax Cabdulaahi Cali, Xoghayaha Golaha Sare ee Islaamka Sheekh Muxumed Dhaqane, Gudoomiyaha Maxkamada Shareecada Sheekh Maxamad Mamuus, iyo Duq ku Xigeenka Maamulka Dawlada Hoose ee Magaalada Jigjiga Yuusuf Sheekh Cabdi.

Waxaana munaasabadan furay Gudoomiyaha Golaha Sare ee Islaamka Sheekh Jaamac Cali oo ku dheeraaday fadliga Umadda Nebi Maxamed (CSW) iyo waxay kaga duwan tahay Umadaha kale. Waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaan Muslimiinta Dunida. “Waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa guud ahaan Umadda Islaamka xuska dhalashada Rasuulka (CSW) awgeed".

alt"Xuska dhalashada Rasuulku (CSW) wax yar iyo sunne fudud ha moodina ee wuxuu xambaarsan yahay wax aynaan koobi karin ajarka iyo fadliga laga helayo xubbiga ama Jacaylka Nebiga(CSW)". ayuu yidhi Sheekhu.

Wuxuu kaloo Sheekhu intaa ku daray "Waayo waa faral in Rasuulka (CSW) la jeclaadaa, Salliga iyo in lagu salliyo Rasuulka (CSW) iyo waajibka oo ah in dadka la baro jacaylka Nebiga (CSW) oo Caruurta iyo dadkaba la baro. Maalinta xuska dhalashada Rasuulku (CSW) soo gasho waajibad badan ayuu xambaarsan yahay.”

Waxaanu intaa raciyay Gudoomiyuhu, Xadiis micnihiisu ahaa "in uu yidhi  Rasuulku (CSW), maalintaa labaad iyo maalinta shanaadba, (isniinta iyo khamiista) albaabada janada waa la furaa maalintaa, ilaa labadii isku cadhaysan mooyee, ilaa inta ay iska cafinayaan, ama ka walaalobayaan oo la sugayo mooyee".

Gudoomiyuhu gabagabadii muxaadaradii wuxuu wax ka taabtay, qaabka loo xusi karo dhalashada Rasuulka (CSW), waxaa unu yidhi, "waxaadna ku camiri kartaan, cibaadada noocyadeedoo dhan, waxaa kaloo banaan in lagu gabyi karo amaantiisa Rasuulka (CSW), iyo waxyaabaha aakhiro laysku xasuusinayo", isla markaana gabay amaana ka jeediyay isla goobtii xuskaas sheekhu.alt

Waxaa kaloo isna Munaasabadii xuskaas ka jeediyay wacdi kooban Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Sare ee Islaamka Sheekh Cabdifataax Cabdulaahi Cali,oo tilmaamaya muhiimada Xuska Maalintan Dhalashada Rasuulka (CSW) soona daliishaday kutub fara badan oo qeexaya muhiimada, iyo ajarka ay inoo leedahay maalintani, iyo waliba sidii ay u maamuusi jireen, dadkii wan wanaagsanaa Rasuulka (CSW) iyo asxaabtiisiba.

Gabagabadii Sheekhu wuxuu wax ka taabtay, dadka in ay waswaasiyaan muslimiinta xusaysa Mustafahooda (CSW) ayuu munaasabadaas ka jeediyay daliilo la xidhiidha xuska Dhalashada Nabiga (CSW).

altWaxaa kale oo uu Sheekhu sheegay maalinta isniintana Rasuulku (CSW) inuu soomi jiray, wuxuuna u soomi jiray, qadarin iyo shugri naq uu ku shugriyayayo in uu nimco u yahay caalamka, iyo sharafta Ilaahay (SWT) isla markaana cidii soomi kartaa in ay soonto.

Gabogabadii, munaasibaddan oo ay dhex taal u ahaayeen qasiidooyin iyo Nebi-Ammaan ay qaadayeen, Culumada iyo ka soo qaybgalayaasha xuskan lagu xusayay dhalashada Rasuulka (CSW), ayaa waxa kale oo ka hadlay culimo kale oo tiro badan oo uu ka mid ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Shareecada Sheekh Maxamad Mamuus iyo Xoghayaha Golaha Sare ee Islaamka Sheekh Muxumed Dhaqane, kuwaas oo dhammaantood ka waramay muhiimadda xuska dhalashada Rasuulka.

Sidoo kalena, dhamaan masaajidada magaalada Jigjiga ayaa waxaa ka baxayay sameecadaha qasaa'ido lagu amaanayo xuska iyo dhalashada Rasuulka (CSW). Munaasabadan oo noqotay markii ugu horaysay ee ay dhamaan masaajidadu ka sinmaan xuska dhalashada Rasuulka (CSW).

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.