Jigjiga (CakaaraNews) Xisbiga Dimuqraadiga
Shacbiga Soomaalida (XDSHS) oo afka Qalaad loogu yeedho Somali
Peoples Democratic
Party (SPDP) ee hogaamiya ama majaraha u haya talada Xukuumada
Dawlad Degaanka Soomaalida ayaa shaaca ka qaaday inuu gabagabeeyay
xulashada dhamaan musharixiinta ugu tartami lahayd doorashooyinka
qaranka ee bisha Meey ee soo socota ka dhacaya dalka Itoobiya.
Doorashada qaranka ee Bishan Meey ee soo socota ka dhici doonta gabi ahaanba dalka Itoobiya & maamulada Degaanada ayaa waxaa XDSHS ama SPDP uu sharaxay 184 musharax oo heer Degaan ah & 24 musharax oo heer Federaal ah. Ilaa & iminka ma jiro Xisbi kale oo shaaca ka qaaday inuu dhamaystirtay dhamaan musharixiintii uga tartami lahayd Degaanka Soomaalida.
Xisbiga XDSHS ama SPDP ayaa isbadal aad
u balaadhan ku sameeyay hanaankiisa
maamul & xidhiidhka bulshada, taasoo haatan u saamaxday inuu XDSHS
ama SPDP uu noqdo unug siyaasadeed oo leh cudud fikir &
kaadir aad u dhisan. Wuxuu XDSHS ama SPDP uu haatan
xafiisyo ku leeyahay dhamaan gobolada & degmooyinka uu Degaanka
Soomaalidu ka kooban yahay.
Sida aanu wada ogsoon nahay waxaa berrigii hore musharixiinta u tartamaysa Xisbiga laga xulan jiray heer Degaan, isla markaana ay dhibaato ka iman jirtay xulashada xubnaha, balse waxaa hogaaminta sare ee xisbigu ay haatan badaleen hanaankii xulashada iyagoo ka dhigay xulashada mid ku salaysan salka hoose ee shacab.
Tusaale ahaan halkii berrigii hore Jigjiga laga xulan jiray xubnaha musharixiinta, waxaa haatan XDSHS ama SPDP uu sameeyay in xulashada laga soo bilaabo heer degmo & gobol oo loo soo gudbiyo heer degaan.
Kolka heer Degaan loo soo gudbiyo waxaa xubinka musharaxa lagu qiimayn aqoonta, kartida, shaqada, xil kasnimada & wax-qabashada, taas oo xubinkii ku gudba loo qaadanayo in lagu sharaxo ticketka XDSHS ama SPDP.
Dhinaca kale, waxaa shaqadoodii bilaabay guddi farsamo oo laga dhisay Degaanka Soomaalida si ay u fudaydiyaan hirgalinta doorashada 2010 ee bishan Meey dhici doonta. Guddigaas oo ka kooban 6 Xubnood waxaa Gudoomiye u ah Af Hayeenka Gollaha Xildhibaanada Mudane Maxamed Rashiid.
Waxaa kaloo Guddiga xubno ka ah Madaxa Xafiiska Dhalinyarada Mudane Farxaan Xuseen, Komishiner Ku Xigeenka Asluubta Mudane Cabdi Bade Cyusmaan, Madaxa xafiiska Ganacsiga, Gaadiidka & Warshadaha Mudane Axmed Naaji, Ku Xigeenka Xafiiska DPPB Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, Madaxa Ciidanka Ilaalinta Wadooyinka Mudane Suldaan Xasan Cabdulaahi Xuseen. Waxaa ilaa haatan ay gudddigu isku duba rideen gawaadhi gaadhaysa 50 gaadhi oo loo adeegsan doono diyaarinta hawlaha doorashooyinka ee 9ka gobo.l
CakaaraNews