Gara Mulato (CakaaraNews) Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Daa'uud Maxamed Cali ayaa haatan ku sugan Gara Mulatu oo ka tirsan Dawlad Degaanka Canfarta.
Madaxwayanaha oo uu wehelinayo dhigiisa Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Ismaaciil Cali Seero.
Madaxwayne Daa'uud Maxamed Cali waxaa uu ka qayb galayaa kulamo loo samaynayo beelaha Soomaalida & Canfarta ee degan xuduuda ay labada degaan wadaagaan.
Sida laga war qabo, waxaa dhawaanahan aaggaga ay labada degaan soohdimaha ka wadaagaan ka dhacay qulqulatooyin u dhexeeya labada qawmiyood.
Dhinaca kale, Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida, ahna Madaxa Xafiiska Kobcinta Awooda ee Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi ayaa u anbabaxaya booqasho uu ku tagayo dalka Jabuuti.
Gudoomiye Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi waxaa uu ka qayb galayaa Munaasabada Caleemo Saarka Ugaaska cusub ee 19aad ee beesha Ciisaha Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahin.
Sida la wada ogsoon yahay, Xukuumada Dawlad Degaanka Soomaalida ayaa horaantii bishan waxay cutub ka tirsan Ciidamada Sida Gaarka ah u Tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska & cutub ka tirsan Ciidanka Booliska ee ka Hortaga Rabshadaha ay u dirtay inay ilaalo khaas ah u noqdaan Ugaaska cusub ee loo caleemo saarayo beesha Ciisaha.
CakaaraNews