Gadhamali (CakaaraNews) Sida aad la wada socotaan waxaan maalintii shalay ahayd aan daabacnay war aanu ku sheegnay in Madaxwayanaha Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Daa'uud Maxamed Cali uu booqday meesha la yidhaahdo Gadhmali, markaa waxaan ka cudur daaranaynaa in magaca uuna ahayn Gara Mulatu ee ay tahay Magaalada Gadhmali, ee ka tirsan Degaanka Canfarta.
Sida wararkju sheegayaan waxaa Magaalada Gadhmali isugu yimid odayaasha ugu waawayn ee aadka looga ciseeyo degaamada Beesha Ciisaha ee ka kala socday magaalooyinka Caddaytu & Cundhufo.
Wararku waxay intaa ku darayaan in wada hadalo haatan ka socdaan u dhexeeya labada shacab, wixii warar ah ee aan ka helnana dib ayaanu idiinka kala soo socod siin doonaa.
CakaaraNews