Waftigii Qurbo Joogta kasocotay Jigjiga TV oo Booqashadi Waxbarashada Jigjiga Soogabagabaysay & xafladii Sodhawaynta Ardayda Sanadkan Galaysa Jigjiga University

 alt Jigjiga(CakaaraNews)Waftigii Qurbo Joogta ee ka Socday Jigjiga TV oo Booqashadi xarumaha Waxbarasho ee kuyaal Casimada Jigjiga soogabagabeeyay

waftigan oo todobaadkan ba ku guda jira booqasho ay kusoo guudmarayaan dhamaan xarumaha waxbarasho ee kajira Dagmada Jigjiga, ayaa waxa ay soo booqdeen maalintii shalay hayd Dugsiyada kala duduwan ee magaalada Jigjiga.
 
Dugsiyada ay booqdeen waxaa ka mid ah Dugsiga sare ee Jigjiga, Dugsiga sare ee Sheekh C/Salaan, Dugsiga hoose dhexe ee Wiil-waal, Dugsiga hoose Dhexe ee Xuseen Giire iyo Kuliyada Farsamada Gacanta ee Magaalada Jigjiga.

Mudadii ay booqashada ku marayeen waxay waraysiyo kala duwan la yeesheen Ardayda iyo Macalimiinta kala duwan ee Dugsiyada ay booqanayeen,

altBooqashadan Jigjiga TV waxaa ku weheliyay wasiirka Waxbarashada Mudane: C/Raxmaan Sheekh Maxamed (Gurey) isaga oo halkaasi wasiirku uga warbixiyay ugana waramey heererkii kala duwanaa ee ay soo martay Waxbarashada Dawlada Deegaanka Soomaalida, booqshadan oo ay waftigu aad iyo aad ula dheceen heerka ay taagan tahay waxbarashada deegaanku ayaa ugu danbayntii ayaa waxa ay soo booqdeen Kuliyada Farsamada Gacanta ee ku taala magaalada Jigjiga.

Sidoo kale Waftiga Jigjiga TV waxay saaka ay ka qayb galeen Xaflad lagu soo dhawaynayay Ardayda Cusub ee Sanadkan galaysa Jaamacada Jigjiga (Jigjiga University) ardaydan oo tiradoodu kor udhaafatay 700.

Xafladan oo uu soo agaasimay Xafiiska Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida, waxay ahayd runtii xafladalt aad iyo aad u qiimo badan, xafladan waxaa ka soo qaybgalay, Madaxa Xidhiidhka Dadwaynaha ee X.D.SH.S, Mudane: Axmed Cali Geedi (Boorte), Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Mudane: C/Laahi Maxamed Mawliid (Gisile), Duqa Magaalada Jigjiga Mudane: C/Salaan Ibraahim, islamarkaana qarkamida masuuliyiinta hadalo kookoban oo dhiri galina ardayda usoo jediyeen.

altsidoo kale iyana waxaa madashaa shirka jogay, Qurba joogta oo ay hogaaminayaan Bahda Jigjiga TV, xafladaas oo ay katumaysay koxda fanka iyo sugaanta ee DDS (Wadani Stars Band )xafladaas waxaa abaal gud kala duwan lagu gudoonsiiyay ardaydii hore ee sii dhiganaysay Jaamacada Jigjiga (Jigjiga University).ee dhibcaha ugu sareeya keena, 

dhamaadkii xaflada ayaay waftiigi kasocday jaliyada ee jigjiga TV ardaydii mid mid waraysi gaara ula yedheen, iyagoo kawaraysanaya dareenkooga  farxadeed halka umarayo, iyo xubnihii nasiibka uyeeshay abaalmarinta waraysiyo layeesheen.

 

alt alt

 

 

 

 

 

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.