Waxaa Manta DDS Siwayn Loga Xusay Malinta Haweenka Aduunka ee 8march,iyadoo aygarab Socoto Xaflad Ayku Qalinjabinayaan 85 Hablood.

altJigjiga(CakaaraNews)waxaa maanta si heer sare ah loogu xusay Munaasabada xuska Haweenka ayaa lagu qabtay  madasha shirarka ee hoolka Sayd Maxamad Cabdile Xasan ee Casimada DDS ee Magaalada Jigjiga

Munaasabada Malinta Xuska Haweenka Aduunka ee 8march 34aad ayaa dhamaan laga xusay dalkeenan etoobiya.

Hadaba waxaa sidoo kale Degaankeenan laga xusay malintan, iyadoo ay bar bar socoto xaflad ayku qalin jabinayeen 85 arday oo hablo dhalinyaro ah.

Xuska 8(march) oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin sarsare oo uu horkacayo Hogaanka Nabadgalyada Maamulka iyo Cadaalada DDS, Mudane Cabdi Muxumad Cumar Madax Xafiiseedka Xafiiska Waxbarashada DDS Mudane C/raxmaan Sheekh Maxamad, Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Guleed Maxamad ku xigeenka Madaxa Xafiiska Waxbarashada Mudane C/laahi Maxamad Mawliid, kusii simaha Madaxa Xafiiska Haweenka DDS Marwo Ifraax Axmad , Madaxa Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Farxaan Xuseen. iyo masuliyiin kaloo badan oo ka kalasocotay xafiisyo kala duduwan, waxaa kaloo iyaguna meesha an kamaqnayn Waftigii Qurbajoogta ee kasocday Jigjiga TV.iyo  dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Waxaa xuska madashaas qudbad ku furay Hogaanka Nabada Mamulka iyo Cadaalada DDS Mudane Cabdialt Muxumad Cumar, oo ugu horayntiiba ku nuuux nuuxsaday sida uu ugu faraxsan yahay maalinta 8march, oo uu ku tilmaamay inay tahay malintii lagu sugay xuquqda iyo xaqii ay lahaayeen haweenka aduunku, gaar ahaan dalkeenan etoobiya.

Mudane Cabdi Muxumad Cumar waxaa kale oo uu cadeeyay in ay malintani kusoo beegantay xili gabi ahaanba lagu sugay nabadgalyadiisa, laguna tir tiray unugyadii taagta iyo tamartaba darnaa ee nabadiidka UBO, guushaas oo ku timid taageeradii hagar la'aaneed ee haweenka DDS ku dhaqaqeen ee ay ugu hagarbaxeen ladagaalanka kooxaha nabadiidka.

Masuulku waxaa uu sidoo kale amaan ujeediyay Xafiiska Arimaha Haweenka ee DDS oo hawlo horumarineed oo balaadhan ku hawlan, tusaale ahaan waxaa uu usoo qaatay 85 hablood oo uu tobabar gaaban uu xafiisku ufuliyay mudo 3 bilooda.

altXubnahan qalinjabinayay ay yihiin dufcadii 4aad ee Xafiisku Xirfado kala duwan oo ayku shaqaystaan u abuuray. waxaa kaluu  hogaanku xubnahaas ku booriyay in ay dhankooga ka shaqeeyaan hawlaha Horumarka,Nabadgalyada, iyo Maamulka Suuban ee kasocda Degaankeenan.

Islamarkaasna xukumadu ugu jirto sidii abaabulka horumarka kaqaybgalka bulshadu unoqdo mid ilaa heer guri-guri lagaadhsiiyo,

Taasna haweenku hirgalinteeda ay lafdhabar uyihiin xuska malintan, ayaa waxaa sidoo kale uu shiday shamac ah astaantii xuska 34aad ee malinta Haweenka aduunka ee dalkeena sida wayn looga xuso.

altUgu danbayntiina waxaa lagu soo dhaweeyay laba xubnood oo uu hogaanku ku tilmaamay halyay'yadii Ciidanka Qaranka ee sida gaarka utoobabaran ee loo yaqaan Liyuu Booliska. labadan halyay oo ahaa kuwii  kalinta sare ka galay tir tiristii unugyada naflacaaridka ee UBO
 
 

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.