Jigjiga (CakaaraNews) Xuskii Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa si sharaf & qadarin leh looga xusay Dawlad Degaanka Soomaalida. Munaasab lagu waynaynayo maalintan ayaa maanta lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Sayid Maxamed cabdule Xasan.
1Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin fara badan oo uu ka mdi yahay Ku Sii Simaha Madaxa xafiiska Arrimaha haweenka Marwo Ifraax Axmed, Madaxa Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Guuleed Casoowe oo wakiil xaflada uga ahaa Madaxawaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane daa'uud Maxamed Cali, Hogaanka Maamulka cadaalada & Nabadgalyada, Mudane cabdi Maxamuud Cumar,




Munaasabadan oo Xafiiska Arrimaha Haweenka ay ku macsuuntay arday gabdho ah oo xirfado kala duwan ku qalin jabinayay waxaa kaloo lagu martiqaaday qaybaha bulshada rayidka ah ee ku kala nool magaalda Jigjiga. Waxaa kaloo xaflada ka soo qayb galay marti sharaf kale oo ka kala socday qurbo joogta u dhalatay degaanka.



Kadib furitaankii, khudbad gaaban oo uu hogaanka Maamulka cadaalada & nabadgalyada uu ka jeeediyay madasha ayaa wuxuu haweenka ku dhiiri galiyay inay sii labalaabaan dedaalka ay ugu jiraan sidii ay u wanaajin lahaayeen nolosha shacabkeena.




Wuxuu hogaanku munaasabadaa marti sharaftii ku xurmeeyay inay la kulmaan geesiyaasha Ciidamada Sida Gaarka ah u Tababaran ee Liyuu Booliska qaar ka mid ah oo guulo wax ku ool ah ka gaadhay dabar goynta nabad-diidka. Wuxuu hogaanku ku sharfat in gaashaanle Sare Axmed Shuun & Gaashaanle sare Dacar cabdi ay soo hor istaagaan bulshada rayidka ah oo ay salaan ka qaataan.


markii ay labada geesi soo galeen saaxada shirka ayaa sacab, mashxarad & caleemo qoyan loo lulay. Sidaan ogsoonahay labadan geesi ayaa todobaadkii aanu soo dhaafnay waxay dagaal ay la galeen nabad-diidka ay u gaysteen khasaaro laxaad leh.
Shacabkii ka qayb galayay munaasabada ayaa labada geesi la galay sawiro badan.
CakaaraNews