Madaxwayne Daa'uud Maxamed Cali oo la Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland

Jigjiga (CakaaraNews) Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Daa'uud Maxamed Cali ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Jamhuuriyada Somaliland oo uu hor kacayay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdulaahi Maxamed Ducaale.

Wafdigan oo heer sare ah ayaa waxaa kaloo ka mid ahaa, Madaxa Somaliland Mission ee UK Mudane Aadan Muuse Jibriil.

Kulankan oo ku dhacay waji wanaagsan, waxaa labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya horumarka labada dal. Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida, waxaa lgu falanqeeyay arrimo badan oo dhinacyo badan khuseeya.

Sida uu noo sheegay Madaxa Xidhiidhka Bulshada ee Xafiiska Madaxwaynaha, waxay labada dhinac ka hadleen arrimo la xidhiidha dhinaca nabadgalyada, dhaqaalaha, ganacsiga, iyo iskaashiga dhaqan-dhaqaale,la dagaalanka mukhaadaraadka iskaga gooshaya xuduudaha, iyo xakamaynta hubka sida sharci darada ah looga talaabiyo xuduudada caalamiga ah.

Arrimaha ugu muhiimsan ee kulankan lagu soo qaaday ayaa waxaa ka mid ahaa Xidhiidhka Ganacsiga ee labada dhinac dhinaca xadka Tog Wajaale, iyo dakada Dry Port ee laga samaynayo inta u dhaxaysa Jigjiga & Tog Wajaale, taasoo lagu tilmaamay inay u gogol xaadhayso iskaashi dhaqaale oo xoog badan oo labada dhinac dhex mara.

Sida aan wada ogsoonahay waxaa Degaanka Soomaalida haatan laga hirgalinayaa mashruuc dry port ah oo laga samaynayo agagaarka Haroorays halkaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo isticmaalka Dekada Berbera ee dalka Jamhuuriyada Somaliland.

Sidoo kale, waxaa kulankan lagaga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin is dhaafsiga suugaanta, maansada iyo korinta dhaqanka Soomaaliga, iskaashiga kobcinta aqoonta (Capacity Building) iyo kor u qaadida tayada waxbarashada. Waxaa Wafdiga Somaliland ay madaxwaynaha ka codsadeen in laga taageero dhinaca aqoonta tacliinta sare maadaama Degaanka Soomaalida uu haatan leeyahay machadyo waxbarasho oo tayo sareeya.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.