Taageerada Biyo-Xidheenka ee Shacabka Qabridahar

altQoraxeey(CakaaraNews)Guud ahaa shacabka ku dhaqan dalka itoobiya ayaa tan iyo  markii  lagu dhawaqay

Read more...

Maleeshiyada Degmada Shilaabo oo indhaha u Shiday 18 UBO ah

altQoraxeey(CakaaraNews) wakhtigu waa sida seefta oo kale hadaadan goynina isagaa ku oof-wareemiye maan

Read more...

Besha gobolka Dh/buur oo Bogaadisay Degmooyinka u soo kordhay soona saaray Baaq Taageero ah

altGobolka Dh/buur (CakaaraNews) kalfadhigii 2aad ee baarlamaanka DDS uu yeeshay ayaa waxaa lagu ansixiyay 15 degmo oo ay guud ahaan shacabka DDS u riyaaqeen damaashaad iyo munaasabado-farxadeedna ka socdaan.

Beesha reer-isaaq ayaa iyadu aad ugu riyaaqday natiijadii ka soo baxday guud ahaan kalfadhigii baarlamaanka gaar ahaana go'aankii ku aadanaa dh/buur ee loogu ansaxiyay 4 degmo cusub iyo in magaalada dh/buur yeelato ismaamul magaalo(Administration Council Town).

Wararka Naga Soo Gaadhaya Shirkii Maalintii shalay ahayd ay aqoonyahanka,suldaamada,garaadada,waxgaradka iyo culumaa'udiinka beesha reer-isaaq ayaa muujinaya in ay beeshoo ka duulaysa caddaaladii lagu ansaxiyay 15ka degmo ee cusub qaybna ka ahaayeen,ay dareen wadaniyadeed oo jibaysan ku taageereen go'aanka baarlamaanka DDS iyo Dadaalka hagar-la'aaneed ee madaxweyne Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in ay beeshu si xeel-dheer isula falan-qaysan in aan la joogin xiligii wiilashoodu carqaladayn lahaayeen horumarka dawlad iyo shacab ee ka taabo galay guud ahaan deegaanka soomaalida,iyadoona ayay beeshu u guuxday in cid kastoo been iyo mala-awaal la dhex-meeri jirtay majarahabaabinta shacabka kuna beer laxawsan jirtay gumaysi iyo horumar-diid aan UBO ahayn baa jira iyo DDS qori ayaa daba lagaga hayaa oo go'aan iskood ah ma gaadhi karaan ha ku quus-qaateen in xukuumada DDS iyadoon cidna u daba fadhiyin go'aansatayna xalinta danaheeda dawladnimo.

Dhanka kale beesha reer isaaq oo garawsatay ahmiyada iyo faaiidada balaadhan ee ay nabad-galyadu u leedahay horumarka deegaanka ayaa soo saartay qodobadan hoos ku cad,iyagoona muujinaya taageeradooda buuxda ee ay u hayaan DDS.

Taageero.

1`-waxaanu si buuxda u taageersanahay xukuumada uu majaraha hogaamineed u hayo madaxweyne cabdi maxamuud cumar iyo xisbiga dimoqraadiga shacabka soomaaliyeedba.

2-beesha ayaa balan-qaadaysa in ay deegaankooda ka sifayn doonaan nabad-diidka UBO ee ragaadisay horumarka wadajirna u soo afjari doonaan
baaq.

1-beesha reer-isaaq waxay ugu baaqaysaa dhamaan shacabwaywaynaha 9ka gobol iyo 67da degmo ee DDS in loo  wada tabtaysto sidii loo ilaashan lahaa dhinacyadana looga joogsan lahaa faaiidada horumareed ee DDS.

2-Beeshu waxa kale oo ay ugu baaqaysaa dal iyo dibadba in laga midoobo aragtida laguna midoobo garab istaagida DDS si udubada loogu sii taago jiritaankeena qaranimo ee ay astaanta u tahay DDS.

3-Beesha-reer isaaq waxaa kale oo ay ugu baaqaysaa in guud ahaan dhalinyarada dhiigooda lagu khamaarayo ee ay maranhabaabiyeen been-quutayaasha UBO in ay soo haab-haabtaan tubta nabadeed ee loogu baaqayo ugu buuxiyaana doorkii kaga aadanaa horumarka deegaanka.
4-Danta shacabku waa waa nabadda waana in lawada garawsato guud ahaan bulshawaynta ku dhaqan dalka iyo dibadaba.

5- beesha reer-isaaq ayaa qurbajoogta ka soo jeeda haybtooda ku boorinaysa in ay dhadhansadaan ahmiyada balaadhan ee ay u leeyihiin shacabka horumarka iyo koboca dhaqaale ismaamulka magaalada dh/buur iyo degmooyinka la soo kordhiyayba.

Fariin

beesha ayaa ugu danbayntii fariin u diraysa guud ahaan shacabka dal iyo dibadba ee ka soo jeeda 9ka gobol ee uu deegaanku ka kooban yahay in dhidibada loo taago midnimada shacabka iyo garab-istaagida DDS ee ku hawlan danaha iyo horumarka shacabka tabaalaysan.

Xafiiska Xoolaha iyo Horumarinta Beeraha ee DDS, ayaa Xooladhaqatada ku nool Degmada Goday u qeybiyey 300 oo Tones ah Calafka tayeysan ee Xoolaha,

altGoday(CakaaraNews) Mudane  Cabdirisaaq C/laahi  muxumed  gadhwadeenka horumarinta calafka,daaqa iyo waxsoosaarka xoolaha  ee Xafiiska Beeraha Heer Degaanka oo isagu qeybinayey calafkan ayaa sheegay in   ay ku guulaysteen diyaarinta saytka badinta calafka xoolaha ee  G/goday , kaasi oo laga soo saari karo  1500 tones , oo ay ka faa,ideysan karaan 10,000 oo neef,

Waxaana saydkaasi oo ka kooban 100 hictaar oo isugu jira badinta calafka xoolaha iyo midaha kale duwan ee waxsoosaarka beeraha  sanadkan laga beeray 20 hictaar oo ah calafka xoolaha , waxaana   daaqi ama calafkii ka soogo,ay loo qeybiyey bulshada xooladhaqatada ah ee ku nool degmadaasi goday.

Waxaana  ka faa,ideysanaya 2500 oo neef mudo hal bill ah. Halka goobta badinta calafka ee tuulada golo-xaajo ee degmada gursuma  laga qeybiyey 210 tones oo calafkaasi ah, oo ay ka faa,ideysan karaan 300 oo neef.

Wuxuuna masuulku tilmaamay in ujeedada horumarinta calafka xoolaha ay tahay sidii loo yareyn lahaa daaq la,aanta ku timaada xoolaha deegaana xiliyada abaarta, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa calafka tayeysan noocyadiisa kala duwan iyada oo bulshada xooladhaqatada ah lagu tababaro farsamooyinka casriga h ee horumarinta calafka xoolaha,.

Wuxuuna warkani oo aanu ka helney xafiiska xidhiidhka arimaha dowladu waxa uu intaa ku darayaa in xafiiska beeruhu uu  qorshaha 5ta sanno culayska saarayaa sidii uu kor ugu qaadi lahaa waxsoosaarka calafka xoolaha  iyo balaadhinta dhul-daaqsimeed tayeysan iyada oo la soo saari doono  calaf dhan 2.9 milyan oo tones iyo sidii loo xayiri lahaa dhul-daaqsimeed dhan 15 milyan oo  hictaar  si wax looga badalo daaq la,aanta ku timaada xoolaha degaankeena oo lafdhabar u ah nolasha bulshadeena


Garoonka Diyaaradaha Magaalada Qabri-Dahar oo Dib u Bilaabay Duulimaadka Diyaaradaha

alt Qoraxay (CakaaraNews)  Magaalada Qabri-Dahar Ayaa Ah magaalo Aad u Wayn oo Ay Ku Nool Yihiin Dadweyne aad U Tiro Badan oo Dhaqdhaqaaqyadoodu Ku Xidhan Yahay Isuga Gooshida Dalka Gudihiisa.

Sidoo Kale Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian-Airlines Ayaa Waayadanba Dayactir Iyo Dibu Habayn Ku Waday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Qabri-Dahar Lana ebyay,Isla Markaana Diyaar uu u Yahay Duulimaadka Diyaaradaha.

Wararku Waxay Intaa Ku Darayaan In shirkadda Ethiopian-airlines Maamulkeedu Ay Shaaciyeen In Dib Loo bilaabay Duulimaadkii Diyaaradaha ee Magaalada Qabri-Dahar,Maadaama uu Garoonku Dhamaystiran Yahay.

Dhanka Kale Maamulka Shirkada Ethiopian Airlines Ayaa Sheegay In Todobaadkii 3 Jeer Ay u duuli doonto magaalada qabridahar, waxaa kaloo intaa dheer Shirkada Suhura Arlines oo iyadu ubaxda malin walbe iyadoo gaysa rakaab iyo daabulka jaadka, maadaama isticmaalka duulimaadka shacabku aad u badan yahay.

 Duulimaadka Diyaaradaha Shirkada Diyaaradaha ee ethiopian Airlines ay Ku Tagi Doonaan Deegaanka Soomaalida ayaa Sii Kordhaya.iyadona Ay  Dhamaystir Ku Dhow Yihiin Terminaalka Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada jigjiga oo ay soo caga dhigan Doonaan Diyaaradaha waawayn nooca Boeing iyo Garoonka Diyaarada Fockerka ee Magaalada Dh/buur oo Isna Meel Fiican Maraya.

Shacabka Magaalada Qabridahar ayaa Ka Caban Jiray In Socdaalkooda Ay Kala Kulmi Jireen Rafaad,Daal iyo Masaafo Dheer Marka Ay Imanayaan Magaalooyinka Jigjiga,Diredawa Iyo Addis-Ababa Mararka Qaarkoodna u Safri Jiray Magaalada Godey si Ay Diyaarad Uga Raacaan.

Wararka Aan Ka Hayno Dawladda Dhexe ee Itoobiya Waa Ta Federaalkee Ayaa Sheegaya In Qorshayaasha Horumarineed ee Ku Wajahan Deegaanada Ay Sii Kordhin Doonaan,Iyadoona DDS Wax Wayn Laga Qaban Doono Dhinacyadda Garoonada Diyaaradaha,Isgaadhsiinta, Laydhka Iyo Wadooyinkaba.

Hadaba ugu danbayntii warbixintan ayaa ah Mid Dabada Ku Haysa balan qaadkii Raysal-wasaaraha ee ku aadana Garoonka Diyaaradaha? Ma Dhabawday Balan-Qaadkii Deg-Deg u Dhamaystirka Garoonka Diyaaradaha Qabridahar ee uu Raysal-Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Melez Zenawi  Ku Sheegay Kulankii uu La Yeeshay Qurbajoogtii Dhawaan Booqashada Ku Timid Dalka Itoobiya.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.