22 Shuftay oo Lagu Dilay Dagaal Liyuu Boolisku Ku Qaadeen Nabad-Diidka Agagaarka Garoonka
Nus-Dariiq (CakaaraNews) Warar degdeg ah oo naga soo
gaadhay Nus Dariiq ayaa sheegaya in Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran
ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska ay maanta
agagaarka meesha la yidhaahdo Garoonka oo ku taala Dhulka Ciid ay ku
dileen 22 nabad-diidka ubo ka tirsan.
Wararku waxay intaa ku darayaan in Ciidanka Liyuu Boolisku ay
nabad-diidka ka furteen hub tiradiisu gaadhayso 17 qori, iyagoo nolol ku
qabtay 4 shuftay oo ka tirsanaa nabad-diidka ubo.

Wararka oo aan ka helnay xidhiidh toos ah oo aan la yeelanay Shaalaqaha
hogaaminaya Ciidanka Liyuu Booliska ee fadhigiisu yahay Nus Dariiq ayaa
waxay sheegayaan in afarta nolosha lagu qabtay ay bad qabaan oo dhawaan
waraysi lala yeelan doono. Dhinaca kale, shacabka Nus-Dariiq iyo degaanka Ciid ayaa laga soo sheegayaa inay farxad la damaashaadayaan maadaama guushaas ay soo hooyeen ciidanka Liyuu Booliska
Waxaan akhristayaasha ku wargalin doonaa in aanu waraysiyadaa oo muuqaal
video ah aan idiin soo baahin doono.
CakaaraNews