Dhagax-Buur (CakaaraNews) Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Daa'uud Maxamed Cali & Hogaanka maamulka & Cadaalada ee Degaanka Soomalaida Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa abaal marino lacageed siiyay dad shacab ah oo qayb wayn lka qaatay ilaalinta amniga iyo xasiloonida degaanka Soomaalida.
Inkastoo aan saxaafada loo soo bandhigin magacyada xubnaha hadana waxaa la sheegay inay yihiin saddex gabdhood iyo saddex rag ah oo ku kala nool Dhagax-Buur, Jigjiga & Qabri Dahar.
Wararku waxay intaa ku darayaan in lixdaa qofba la siiyay min 50,000 oo Birr iyadoo la sheegay inay yihiin dad shacab oo soo gudbiyay xogo muhiim ah oo lagaga hortagay qorshayaal uu nabad-diidku u maleegayay inuu ku waxyeleeyo Degaanka Soomaaalida.
CakaaraNews