Danood (CakaaraNews) Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Degaanka Soomaalida ee Loo Yaqaano Liyuu Booliska ee ilaalinaya Xuduuda Caalamiga ee Degaanka Soomaalidu uu la leeyahay dalka Soomaaliya ayaa maanta caabiyay weerar dhanka Buuhoodle ay kaga soo qaadeen dad nabad-diid ah oo qabiil isku soo bahaystay oo dagaal kaga soo qaaday Degmada Buuhoodle ee Soomaaliya.
Warkan oo aan ka helnay Wariyaha Shabakada CakaaraNews ee Gobolka Wardheer, waxaa ciidanka Liyuu Boolisku ay dhawaanahan lingaxeen xuduuda dheer ee caalamiga ah ee Degaanka Soomaalida uu la leeyahay dalka Soomaaliya si ay maareeyaan gaadiidka sharci darada iskaga soo galaya Degaanka Soomaalida.
Hadaba, waxay wararku intaa ku darayaan in dad nabad-diid ah oo qaab qabiil iyo beelo isku bahaysanaya oo aan ogolayn in sharciga lagu soo dabaalo degaanka Soomaalida ay duulaano kaga soo sameeyaan dhanka Dalka Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa uu wariyaha Shabakada CakaaraNews ee Gobolka Wardheer uu soo sheegay in Shaalqaha Ciidanka Sida Gaarka ah u Tabababarn ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska ee Degmada Danood uu ciidan Gurmad ah oo deg deg ah u diray dhanka xuduuda si uu u xoojiyo ciidanka Liyuu Booliska ee Lingaxay Xuduuda.
Wixii Warar ah ee arrintan ka soo Kordha Dib Ayaanu idiinka Soo Baahin Doonaa.
CakaaraNews