Fiiq (CakaaraNews) War degdeg ah oo haatan uu na soo gaadhsiiyay Wariyaha Shabakada CakaaraNews ee Gobolka Fiiq ayaa sheegaya in Ciidanka Liyuu Booliska ay Agagaarka Faarso ku dileen 50 ka mid ah nabad-diidka Ubo.
Warku waxaa uu intaa ku darayaa in Shaalaqa Regimentiga 7aad Shaalaqe Yuusuf Yare (Way Dhalaali) oo wata ciidanka Liyuu Booliska uu agagaarka Faarso ku weeraray nabad-diidka UBo halkaas oo kaga dilay 50, isagoo ka furtay hub aad u fara badan.
Sidoo kale, waxay wararku intaa ku darayaan in Shaalaqe Way Dhalaali uu nolol ku qabtay 14 ka mid ahaa nabad-diidka ubo oo qaarkood ay dhaawac yihiin.
Wixii warar ah ee ka soo kordha dib ayaanu idiinka soo sheegi doonaaa.
CakaaraNews